berberatoday.com
Bulashada Gobolka Saaxil Oo Mucaarid Iyo Muxaafidba Kulan Baladhan Ka Yeeshay Heshooska Dekeda Berbera Ee DP World
June 30, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Bulashada Gobolka Saaxil Oo Mucaatid Iyo Muxaafidba Kulan Baladhan Ka Yeeshay Heshooska Dekeda Berbera Ee DP World

tmp_27219-thumbs-845664815

Berbera(Berberatoday.com)_ Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha gobalka Saaxil, ayaa habeen hore magaalada Hargeysa ku qabsatay shir balaadhan.

1

Shirkan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, waxa ka qayb galay masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadda ee ka soo jeeda gobalka Saaxil, siyaasiyiinta mucaaradka ah, xildhibaanada iyo bulsho kale oo tiro badan, waxaana shirkaas su’aalo ku saabsan heshiiska dekedda Berbera lagu weydiiyay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor.

Sida ay xogahani tilmaameen su’aalaha badankooda waxa ka jawaabay maareeyaha dekedda Berbera oo raaciyay sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah. Su’aalaha ayaa ku saabsanaa meelo heshiiska ka mid ah oo uu bulshada deegaanka Saaxil madmadow kaga jiro sida maxaa faa’iido iyo khasaare bulshada deegaanka Saaxil ugu jira heshiiska dekedda Berbera.

Sida uu warku sheegay, shirka oo wakhti badan qaatay, waxa loo balamay in dib la isugu soo noqdo islamarkaana falanqayn dheeraad ah lagu sii sameeyo heshiiska si loo eego danaha guud ahaan qaranka, gaar ahaan gobalka Saaxil ugu jira.

Heshiiska DP world iyo xukuumadda Somaliland, ayaa wuxuu noqday mawduuca ugu xaasaasisan Somaliland ee sida weyn loo hadal hayo labadii bilood ee u dambeeyay.

Inta badan bulshada Somaliland, ayaa diyaar u ah inay arkaan dalkooda oo lagu samaynayo maalgashi, waxase ay heshiiskan Berbera ka bixinayaan dareeno sas leh oo ku xidhiidhsan xukuumadda Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews