berberatoday.com
Fadeexadaha Hadheeyay Guddida Abaaraha Iyo Mushkiladaha Caafimaad Ee Ka Dhalan Kara Raashin Wakhtigiisii Dhacay Oo Danyar Loo Qaybiyey
July 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo ay taxane inoo ahayd qormooyin iyo maqaalo aanu ku faaqidi jirnay xaalada ka taagan dalka iyo heerarka musuqmaaquqa ee Xukuumadda Somaliland iyo tacadiyada iyo xeerar jabinta ay ku haysay saxaafada madaxa banaan oo dagaal lagula jiro isla markaana la doonayo in la burburiyo, iyadoo qorshaheeda koobaan xukuumadda Siilaanyo yahay inay bakhtiiso iftiinkii yaraa  ee Somaliland dunida ugu faani jirtay ee xuriyatul qawlka ooy wakhtigan la damcay in afka laga xidho iyo dibimdaabyo hor leh oo ay xukuumada Silaanyo ku hayso mudadii ay xilka haysay.

Akhriste marna ka aamusi maayo Haatuf difaacida xoriyatul-qawlka iyo madaxbanaanida warbaahinta Somaliland, anagoo idiin balanqaadayna faalooyin iyo warbixino ku saabsan sida ay xagjirimadu dalka ugu faaftay intii u jiray maamulkan maanta talada dalka haya ee u gacan galiyay laamihii dawladda ee muhiimka ahaa ururo diimeed oo xagjir ah oo ku mamay hanta-urursi iyo boob xaantooyo loo gaystay xoolihii dadweynah, iyadoo ay halkaasi  ku luntay haybadii iyo karaamadii iyo milgihii dawlad-nimo ee u dalkeenu lahaan jiray.

 

Iyadoo aanu akhristayaashayada iyo bulshadda Somaliland u balanqaadayno inaanu badka soo dhigno xaaladkasta iyo xatooyo kasta oo dalka ka dhacda, ayaa waxa aanu maanta idiinku horaysiin dooonaa muwduuceenan guddida abaaraha Somaliland ee loo aas-aasay sidii ay dalka iyo dadkaba ay ugu gurman lahaayeen iyadoo loo furay xidhiidho gude iyo dibedda ba ah, ayaanay hadana sidii la rabay iyo si u dhaw toona u gudan waajibaadkoodii.

Sida laga war qabo abaartii balaadhnayd ee sanadkan horaantiisa ku habsatay dalka gaar ahaan gobalada galbeedka Somaliland saameynteeduna ay gaadhay ilaa bariga dalka, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland  u magacaabay Guddi abaareed si ay u raadiyaan aduun iyo gacan qabasho loogu gurmado dadkii abaartu waxyeeleysay. Haddaba akhriste hadii aanu mid mid u soo qaadno shakhsiyaadka ku jira guddidan iyo qaabdhismeedkiisaba waxaa ku soo baxaya in shakhsiyaadka guddida loo magacaabay ay ka soo jeedaan labo ururdimeed oo xagjir ah.

Hadii aynu ku horayno guddoomiye ku xigeenka guddidaasi wuxuu ka soo jeeda ururka Al islaax waana ganacsade la yaqaan kuna xidhan fikir ahaan iyo mabd’a ahaanba ururka Ikhwaanka muslimiinta ee dalka Masar, gudoomiye ku xigeenka labaadna u yahay xubin ka tirsan golaha wasiiradda, waana Wasiirka Diinta iyo awqaafta  isagoo la og yahay in uu ka soo jeedo urur dimeedka xagjirka ah ee Al Ictisaam ee gacan saarka la leh shabakada Al qaacida.

Akhriste, xubnaha dhawr iyo tobanka ah ee ku jira guddida abaaraha labadan urur dimeed ayay u kala baxaan waxaana lagu daray dhawr qof oo maddaxbanaan si loo khaldo indhaha dadweynaha iyo aduunkaba.4

Haddaba waxa xusid muddan in shakhsiyaadkan aanu hore u soo sheegnay ay dhamaantood yihiin ganacsato soo waarida badeecadaha iyo bagaashka kala duwan  (iyadoo cidkasta og tahay in wakhtigii dalka dib lagu soo noqday aanay haysanin hantidan maanta ay haystaan ee faraha badan).

Sidoo kale muddada ay gudidani jirtay oo runtii fadeexado maamul iyo mid dhaqaale lagaga faalooday meelo farobadan oo dalka ahna qaylo dhaan uga soo yeedhay, iyagoo shakhsiyaadkani uu mid waliba maanta xisaabo uga furan yihiin baanan dalka dibadiisa ku yaala iyo xawaaladaha dalka ka hawlgala qaarkoodba, iyagoo mid walba si gaar ah ay ugu soo dhacdo qaybtiisa ku soo hagaagtaa. Mida kale tuugada iyo boobka lagu hayo mucawomooyinka loogu tallo galay dadk danyarta ah xataa iyagoo dhaafi waayay nusa saaca ardayda iskuulada oo ay u samaysteen weel ay kaga gurtaan (horena waanu u sheegnay inay gacanta ku hayaan boqolaal xaruumood wax barasho oo aanay dawladu maamulin).

Dhinaca kale iyadoo lagu bishii khayrka badnayd ee ramadaan ayaa waxa soo baxaya warar ku saabsan musuqmaasuq baahsan oo ay gudida abaaruhu ay kaga faa’ideysanayso in raashin dhacay oo muddadii loogu tallogalay in la quuto dhaafay oo ay ku haysteen bakhaaradooda iyo dukaamadooda ay ka iibiyeen Xamlada Sacuudiga ee loogu tallo galay in loo gargaaro umada Somaliyeed meel kasto oo ay jogaan, arrintaasi waxay ka dhacday gobalka Awdal magaalo maddexdiisa ee Boorame sida ku cad sawiradan ku lifaaqan warbixnitan, iyadoo

dan yar tiradoodu gaadhayso ilaa 2,500  qoys oo loogu tallo galay in loo qaybiyo raashin bisha ramadaan ahaa ayaa wararka aanu helaynaa sheegayaan in la boobay intii kalena ay dadku ku sumoobeen oo xaalado halis ah ay u jifaan cisbitaalka guud ee magaalkada Borame , kolkii aanu dabagal ku samaynay arrintan waxaanu ogaanay in nimankan guddida sheegta in hay’ad walba oo samafal ahoo doonaysa inay dadka u gurmato  ay ku qasbaan raashinka dhacay ee bakharaadooda ku jira iyo in ay iyagu keensadaan gaadiidkii lagu qaadi lahaa raashinka goobo ay iyagu dani ugu jirtana ay ku qasbaan in la geeyo.

Tan iyo mudadii lagu dhawaaqey guddida abaaraha lacagooyin aad u farabadan ayaa usoo gacan galey, kuwaas oo ay ka mid yihiin Lacag gaar ah oo cayiman oo laga jarro shaqaalaha dawladda bil kasta shaqaalahaas oo kolka la isku darro kuwo madaniga ah ama rayidka iyo ciidanka qeybihiisa kala duwan oo kolka la isku darro 100’000 Qof oo bilkasta laga jarro lacag udhaxeysa 10 ilaa 20 dollar, ardeyda  dugsiyada iyo jaamacadahaba oo tiradoodu kor udhaafeyso 150’000 oo si qasab ah musasacahoodi lagu amrey iney guddida abaaraha ku wareejiyaan, ganacsatada gaar ahaan kuwa aan ka tirsaneyn labada urur diimeed ee dalka haysta waxa si qasab ah looga qaadey lacag lagu sifeeyey taakuleynta dadka abaaruhu wax yeeleeyeen, qurba joogta reer Somaliland ee kunool daafaha dunida waxay gudida abaaraha kusoo hagaajiyeen lacag xad dhaaf ah oo is daba joog ah Account nada gaar ka ah ee ay sameysteen kooxdan gudida abaaraha haystaa, dalalka carbeed gaar ahaan kuwo khaliijka sida isu tagga Imaaraadka oo lacag iyo raashin ba kuwareejisay guddida abaaraha, fadeexadii kasoo baxdeyna waa la ogaa ee aheyd wasiirka diinta iyo awqaafta oo ku khasbey hay’adda Khaliifa Foundation iney ka iibsato caano dhacey qiimahiisuna yahay 75’000 dollar, hadana kamuu hadhine lacag gaadheysa $275’000 oo ay hayadaasi ugu talo gashey biyo dhaamis loo fidin lahaa goobaha fog fog ee abaartu wax yeelaysay, iyadoo lacagtaas oo uu hay’ada kala wareegay oo aan la ‘ arag wax wax  lagu qabtay, isla markaana dawladda Kuwait oo ugu deeqday Somaliland lacag gaadheysa 10, 000 000  dollar oo hawada lagu kala goostay.

Akhriste  sida aynu xaga sare ku sheegnay dalka jamuuriyada Somaliland waxa laamahiisa dhaqaalaha haysta dad aan ilaahay ka baqeyn oo diin gabanaya oo ka tirsan laba urur diimeed oo xag jir ah, kuwaas oo la wareegeen dhamaan is gaadhsiinte dalka iyo waaxyihii waxbarashada, sarifka lacagaha qalaad,  soo dajinta iyo iibinta shidaalka nooc yadiisa kala duwan (waxa lagu wareejiyey haamaha shidaalka Berbera ), soo dajinta iyo iibinta dhamaan raashinka kala duwan, qalabka baabuurta (spare parts-ka) , daawooyinka iyo bagaashka nooc yadiisa kala duwan, waxaaney ku khatimeen in ay lacagtii kaashka aheyd ee adkeyd (dollar) ay la wareegaan.                                                                        

Guntii iyo gabo-gabadii talladu waa ta Allee marka hore waxaa mihiim ah in gudidan la kala diro, maddaxweynuhuuna waajib qaran ka saaran yahay in u magacaabo guddi xul iyo xalaal ah oo loo wada dhan yahay laga fogaado xubnaha ururada xagjirka ah ee sumcada dalka baabiyey iyo kuwo kale ee dhuuni raaca ah, iyadoo la ogyahay in wakhtigan xasaasiga ah ee lagu jiro isla markaana uu meel xun marayo xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalalka Jaarka ah iyo waliba dunida inteeda kaleba, kuwaas oo fursada ugu wayn helay markii xukuumadda xisbiga Kulmiye talada dalka ku guulaysatay.53672

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews