berberatoday.com
Warbixin Ku Saabsan Haweenka Danyar Ta Ah Ee Ku Ganacsada Suuqyada Magaalada Hargeysa Diyaarintii: Xamda Yusuf Adem
July 2, 2016 - Written by Berbera Today

Kadib markii dagaale sokooye ka qarxeen Jamhuuriyadan Somaliland ayaa waxa uu dagaalkaasi sababay inay burburaan dhamaan kaabayaashii dhaqaalaha ee uu lahaa dalkan Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay ku naf waayaan  aabo yaal badan oo masuul ka ahaa qoysas reer Somaliland ah, taasi waxay dhaxal siisay in hooyooyinkii u hadhay qoysaskaasi ay masuuliyadoodii qaadaan una raadiyaan sidii loo heli lahaa quutal daruuri , hooyooyinkaasi ayaa markii ay kaalintaasi ku soo banaanaatay waxay bilaabeen in ay guryaha dibada uga soo baxaan oo u raadiyaan waxay ku noolaan lahaayeen qoysaska ay wakhti xaadirkan masuulka ka noqdeen isla makraana waxay ka fikireen inay abuuraan ganacsiyo yar yar si ay u daboolaan baahiyaha ka taagan qoysaskooda.

1

Mudo haatan laga joogo 25 sano ayaa waxay hooyooyinkaasi la daalaa dhacayeen sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha qoysaska ee ku soo banaanaaday haday noqoto quutal daruurigii caruurta, waxbarashadoodii, hoygii ay gali lahaayeen  iyo hugii ay xidhan laayeenba.

Hooyooyinka ku ganacsada suuqyada magaalada Hargeisa gaar ahaan khudrad layda  ayaa mar aan la kulmay waxa ay ii sheegeen in dhibaatooyin badani ay ka haystaan joogi taanka suuqa taasi oo wakhti badan ay halkaa joogaan si ay u helaan quutal daruuriga qoysaska ay ka masuulka yihiin .

Mar aan waydiiyay wakhtiga ay suuqa yimaadaan waxa ay ii sheegeen in guryaha ay ka soo baxaan  5:00 subaxnimo wakhtigaas oo dhulku madaw yahay khatar badanina ku xeeranatahay laakiin ay ku khasbayso noloshaa adag ee ay ku sugan yihiin qoysaska ay ka yimaadeen oo dan yar ah iyaga oo badiba  la daalaa dhacayaan sidii ay  ubadkooda ugu heli lahaayeen quutal daruuri isla markaana ay caraabaan 6:00 maqribnimo wakhtigaas oo isaga laftigiisu habeena.

Waxa ay ii sheegeen in mararka qaar ay la kulmaan tuug kuwaas oo ka dhaca wixii ay maanta ku soo iibsan lahaayeen khudrada yar ee ay ka ganacsadaan mararka qaarna iyaga laftigooda dhibaato jidh ahaaneed ayay soo gaadhsiiyaan tuugtaasi.

2

Dhibaatooyinka ugu waawayn ee ay ii sheegeen hooyooyinkaasi waxa ka mid ahaa inaanay haysan wax musqula ah oo u gaara dumarka taasina ay caqabad wayn ku tahay maadaama ay wakhti badan suuqa joogaan isla markaana ay jiraan dhawr musqulood oo raga intooda badani ay isticmaalaan qasab na ay ku noqoto inay isticmaalaan musuqulahaa raga iyagoo waliba aad uga xishoonaya in ay iyaga iyo ragu meel isugu yimaadaan, dhaqan ahaana ay ceeb tahay inay haweenka iyo ragu ay meel noocan oo kale ay isugu yimaadaan laakiin tan dani ku khasabtay maadaama ay suuqa wakhti badan joogaan .

Sidoo kale waxay hooyooyinkaasi ii sheegeen inay ka yimaadaan caruur da’adoodu aad u yartahay iyadoo aanay kaga iman caruurtaa cid masuuliyadooda qaadi karaysa caruurtaa yar yar  ee ay kaga yimaadaan ilmo yar oo isaga laftigiisu xanaanayn u baahan isla markaana maalin oo dhan ay isla silcaan ama isla daalaa dhacaan labadaa caruura ee la iskaga yimid.

 hadii ay soo qaadan lahaydna waxa ay ii sheegtay inaanay suurto gal ahayn waayo waxaan fadhiyaa mudo 12 saacadooda  goob ay ku dhacayaan dabayl iyo cadceediba ilma yar oo da’adiisu intaa leeg tahayna uma dul qaadan karo cadceedaa iyo dabayshaa  sidoo kalena booska aan fadhiyaa iima saamaxayo inaan ku haysto ilo yar oo aad buu u kooban yahay  markaa meel aan ilmaha dhigo ma helayo.

Hooyooyinkaasi waxay ii sheegeen in dhibaatooyinka ugu waawayn ay ka mid ahaayeen inaanay haysan wax ay ku ilaaliyaan khudrada ay iibinayaan marka laga iibsan waayana ay hore u xumaadaan isla markaana ay dayn badani ku go’do cid ka bixisa ama u gargaarta toona aanay haysan balse haday  haysan  laaheeyn qaboojiye yaal waxa usuurto gali lahayd in khudradu aanay hore uga xumaan inta laga iibsanayo na ay halkaa ugu jiri lahayd .

Hooyooyinkaasi waxay carabka ku dhufteen  in mararka qaar  dayn lagu yeesho gabadha khudrad layda ah  dabadeetana ay iska bixin kari waydo sidaana ay kaga hadho ganacsigii yaraa ee ay ubadkeeda uga soo saaraysay quutal daruuriga dawlada iyo cid kale toona aanay ka helin wax caawimo ama kab dhaqaale ah,  laakiin hadii ay in uun ay heli lahaayeen wax kab dhaqaale ah ay u saamixi lahayd in qoysas fara badan noloshooda kor loo soo qaado.

Waxay hooyooyinkaasi badiba isku raaceen in caruurta ay dhaleen hadiiba ay nasiib u helaan inay gabadh caruurtaa ugu wayn tahay  inaanay waxba dhigan si ay u hayso caruurta kale ee ka yaryar. Hooyo ka mida hooyooyinkaasi waxa ay ii sheegtay inay leedahay 4 caruura ka ugu yari uu jiro afar bilood kan ugu waynina uu jiro 7 sano waxaanay ii sheegtay in ay iyagu is hayaan , ilma ha ugu yare ee  jira  afar ta  bilooda waxa uu baahi wayn u qabaa xanaano dheeraada iyo sidoo kale naas nuujin laakiin ma helo waayo waxaan u raadiyaa waxay ubadku quudan lahaayeen maalintaa,

Guntii iyo gunaanadkii maqlaalkaygan waxaan ku soo gabo gaynayaa dhamaanteen aynu gacmaha is qabsano una naxariisano dadkeena jilicda san gaar ahaan danyarta oo ay ugu horeeyaan dumarka , caruurta, iyo naafada .

Diyaarintii: Xamda Yusuf Adem

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews