berberatoday.com
“Hadday 7 Sano Inagaga Dhamaaneyso Lacagta DP World Ku Maalgelinayso Dekedda Berbera, Maxaa Innagu Kelifaya Inay 65% Qaadato 30 Sanadood….” ?Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan
July 3, 2016 - Written by Berbera Today

Xildhibaan Guurtida Ah Oo Dersay Dakhliga Sannadlaha Ah Ee Dekedda Berbera

 Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isbarbar-dhig ku sameeyay Dhaqaalaha Dekedda Berbera Wakhtigan ka soo gala Dalka iyo Dhaqaalaha Shirkadda DP World ku Maalgelinayso, waxaanu su’aal geliyey waxa kelifaya in Shirkadda DP World muddo 30 Sannadood ah qaadato 65% haddiiba intaa Afar jeer ka yar loogu celin karo Lacagta ay ku maalgelinayso.

Warka Xildhibaanka Ee DekeddaXildhibaanka oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dekedda Berbera Sannad walba ay ka soo degaan boqol kun illaa Boqol iyo Labaatan kun oo Koontiinar, taasi oo Lacagta ka soo gasha Dekedduna noqonayso 38 Milyan iyo dheeraad, halka tobankii Sannadoodna ay noqonayso  381 Milyan iyo 600,000 dollar. Sidaa daraadeedna muddo 7 Sannadood ah DP World loogu celin karo Lacagta ay ku Maalgelinayso Dekedda, waxaanu u soo jeediyay Xukuumadda in laga fiirsado heshiiska Shirkadda DP World ee dhigaya inay 65% qaadato Dhakhliga Dekedda Muddo 30 Sannadood ah.

“Imika Dekedda Berbera waxa Sannad walba ka soo dega inta u dhexeysa boqol kun illaa Boqol iyo Labaatan kun oo Koontiinar, taasi oo marka la xisaabiyo Lacagta innaga soo gashaa tahay 38 Milyan, 160,000 kun oo dollar Sannad walba, intaa Marka Lagu dhufto 10 Sannadood waxay noqonaysaa 381 Milyan iyo 600,000 dollar. Haddaba haddii intaasi innaga soo gasho Alaabooyinka Dekedda ka soo dega.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan, waxaanu intaa ku daray, “Muxuu ku kordhinayaa Heshiiska Itoobiya aynu la galnay ee ah inay 30% alaabteeda kala soo degayso Dekedda, hadday noqoto in Dekedda Berbera ay Sannadkii ka soo degaan 200,000 kun oo Koontiinnar, taa Macnaheedu waxa weeyaan Sannadkii waxa Dekedda u soo hoyanaya 6 Milyan, 3 Boqol iyo 60,000 kun oo dollar, toban Sannadood marka lagu dhuftana waxay noqonaysaa $ 636 Milyan oo Doollar.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay, “Shirkadda DP World waxay Dekedda Berbera ku maalgelinaysaa $ 442 Milyan, markaa waxaan leeyahay haddii Maal-gelinta DP World gelinayso Dekeddu innagaga dhammaaneyso 7 Sano gudahood, maxaa innagu kelifaya inay 30 Sannadood qaadato 65% Dakhliga Dekedda soo gela Sannadkiiba..”? ayuu yidhi. Waxaanu Xukuumadda u soo jeediyay inay ka fiirsato Dhamaystirka Heshiiska u dhexeeya Shirkadda DP World.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews