berberatoday.com
Hoggaamiyeha Al-QAACIDA Oo Farriintii Ugu Adkayd U Diray Kooxda Al-shabaab, Kuna Dardaaray Hawl-gallo Ay Ku Bar-tilmaameedsadaan Xukuumadda Muqdisho
July 3, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaan ku boorinayaa Walaaladayda Mujaahidiinta ah inay la dagalaaman kuwa Murtadiinta ah ee Dhulka keenay Gaalada ka shaqeeya hagardaamada dadka ku nool dhulka Soomaalida ee Islaamka ah..” Sheekh Ayman Al Dawaahiri

 

Muqdisho(Berberatoday.com)-Hoggaamiyeyaha Ururka Al-Qaacida Sheekh Ayman Al Dawaahiri, ayaa farriin adag u soo diray Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, waxaanu sheegay inuu ku hambalyeynayo Hawl-gallada ay ka wadaan Muqdisho.

Warka 1-aaadMuuqaal Fiidow ah oo lagu baahiyey Mareegaha Wararka ee taageera Kooxda Al-shabaab, ayuu Sheekh Ayman Al Dawaahiri ku sheegayaa inuu ku biirinayo Kooxda Al-shabaab inay sii wadaan waxa uu ugu yeedhay difaaca Diinta Islaamka, loona baahan yahay inay laayaan Dad uu ku tilmaamay Murtadiin Soomaaliya geeyay Dad Gaalo ah oo lid ku ah Islaamka.

Hadalka Ayman Al Dawaahiri oo ahaa Afka Carabiga, hasa-yeeshee uu Wargeyska Himilo u rogay Af-Soomaali, ayuu ku yidhi, “Waxaan jecelahay inaan ugu hambalyeeyo Walaaladeyda Mujaahidiinta ah ee ka jihaada bariga Africa hawl-galada barakaysan ee ILAAHAY waafajiyay ee ay  ka hayaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya  iyo Kenya ee ay kaga hor tagayaan Gaalada loolamaya sidii ay dib ugu soo celin lahaayen gumaysisgii ay ku hayeen dalalkaa iyo kuwa la shaqeeya ee Murtadiin noqday ee ee u gargaaraya kuwa Gaalada ah.”

Hogaamiyeyaha Al-Qaacid oo aan la ogeyn halka uu farriintan ka soo diray, ayaa sidoo kale kooxda Al-shabaab ugu baaqay inay sii wadaan Difaaca Diinta Islaamka, “Waxaan dusha ka saarayaa Walaalaheyga Mujaahidiinta ah (Al-shabaab) Masuuliyad aad u culus taasoo aan filayo inay ka soo baxayaan, Masuuliyaddaas oo ah difaaca Diinta  Muslimiinta ku nool Bariga iyo badhtamaha Afrika, waxaanan idin leeyahay taasi waa Masuuliyad aan idinku halleeyay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa kale oo aan ku boorinayaa Walaaladayda Mujaahidiinta ah inay la dagalaaman kuwa Murtadiinta ah ee Dhulka keenay Gaalada ka shaqeeya hagardaamada dadka Muslimiinta ah ee ku nool dhulka Soomaalida ee Islaamka ah. Waa inaad la Dagaalantaan kuwa idinka Midka ah ee idinla dhashay ee Gaalada u Shaqeynaya. ILAAHAY u talo-saarta sidii aad u baa’biin lahaydeen iyaga iyo Xukuumaddooda.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews