berberatoday.com
Kala Duwanaanshaha Kulmiyaha Maanta Iyo Kulmiyihii Hore KARIS XUN IYANA WAX KU LA”. Musharraxa Madaxweyne Ucid Jamal Cali Xuseen
July 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
 

“..farafaraynta Muuse Biixi iyo Kulmiyaha Maantu halka ay marayso. Kulmiyihii hore markuu xukunka doonaayey ee uu hogaaminaayey madaxweynaha maanta mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay ahaayeen qaar dadka soo jiita oo cidna aan cadaawad gashan UDUB”.

“…Berigii dawladda Maraykanku ay dayaxa gaadhay markii ugu horeysay taariikhda, ayaa oday reer miyi ahi uu waxoogga adhi ah keenay sayladdii ku taallay ilaa imikana ku taalla magaaladda Burco ee gobolka Tog-dheer. Odaygan ayaa markuu xoollahii soo iibiyey ee uu makhaayadahii fadhiistay ayaa wuxuu arkaa uun dadkii oo Raadyowgii ku xoonsan oo la yaaban warka cusub ee in dawladdii Maraykanku ay dayaxii gaadhay ama fuushay. Odaygii isagoo warkaasi liqi kari la’a haddana arkaaya Raadyowgii oo sheegaya iyo dadkii oo yiqiinsan; ayaa intuu mar qudha soo boodo uu odhanayaa; ” Waar waxaaban ka baqayaa in kan Maraykan ahi uu samadda inagu soo rido sidda uu u farafareeynaayo!!”. Sheekaddaasi odayga waxaan u cuskaday; farafaraynta Muuse Biixi iyo Kulmiyaha Maantu halka ay marayso. Kulmiyihii hore markuu xukunka doonaayey ee uu hogaaminaayey madaxweynaha maanta mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay ahaayeen qaar dadka soo jiita oo cidna aan cadaawad gashan UDUB oo ay is hayeen mooyaane. Kulmiyihii hore cid walba wanaag, dhul is dhigis, wadahadal, wadatashi iyo wax la mid ah ayeey ku socdeen. Halka Kulmiyaha Maanta ee Muuse Biixi hogaaminaayo ay qardajeex, xadhigga dhalinyaradda, xadhiga Salaadiinta, xadhiga dumarka, iyo waad igu khasban tahay ayeey ka dhamaan laayahiin. Kulmiyihii hore ee madaxweyne Siilaanyo hogaaminaayey xisbiyadda kale wuxuu itaalka ka sameysan jiray wada shaqayn; halka ay Muuse Biixi kaga dhegtay qarda jeex, dagaal; hebel iga reebba oo kalsoni daro hogaaamin muujinaysa.
Muuse waa in loogu dhaarto siyaasaddu maaha sida dagaalka oo hebel hadaad muquuniso ama disho guul baad gaadhaysaa; ee siyaasaddu waa soo jiidasho iyo dadka inaad tustid in aad tahay hogaamiye isku kalsoon oo tartan geli kara; aragti fog leh oo aanay kursigga kaga dheganayn. Dadku sideedaba ma jecla nin khasab wax ku doona ugumana codeeynayaan. Waxba cid kale dabadda ha ku xidhan ee iskaa isku taag, adigoo aan cid kale dabadda ku xidhan. Bal hadda buuggan Askarinimadda ah yara dhig Muusoow oo buuggii Kulmiyihii hore ku guuleystay madaxweyne Siilaanyo weydii. Waxa codeynayaa waa dad sidaaddoo kale maskax leh; nin qardajeex ku socdana uma baahna xisbiyadda kalena faro gelinta ka daa oo xisbiggaaga iyo aragtidaada sidaad u dhisi lahayd uun ku fooganoow.
Wadadaasi aad ku socotid rag hore ayeey sahayatay Muusoow, Xisbigga UCID taageerayaashiisii oo 120,000 oo cod ku soo baxay tartankii xisbiyadda iyo ururadda oo weliba aan kushubasho ahayn ayaa halkan taagan. Cid doontid adeegsee Ninka ka danbeeya burburinta Xisbigga UCID ummadda oo dhan baa ka dheregsan. Karis xun iyana wax ku la’, iga walee adiguun bay ku sahayan doontaa ee ku biyo cab taasi; tii Ilaahayna xisaabta ku dar. Waar waa halkii odoygaasi reer miyiga ahaa ee sheekadda kor ku qoran ee Burco ka dhacadaye waxaaban ka baqaynaa farafarayntaasi uu Muuse Biixi imika dalkii ku waddo isagoo kursi doonaya ee uu dadkii xidhxidhaayo “In dayaxu inaguba soo dhaco, Ilaahay inaguma keenee” . Waxaan jecelahay inaan ku khatimo meerisyo ku jiray gabaygii Seben ee Ilaahay haw naxariistee uu tiriyey Abwaankii weynaa ee Qaasim;
Adduunyadu sidaa kuma gudhee, subaxba waa cayne
Ninkastoo salaan dheer u baxa, siibashow xiggiye
Suldaaro waaw hallis ninkeey, rag isa seegaane
Ilaahay wanaagga hayna garansiiyo, dalkeena iyo dadkeenana haynoo barakeeyo”.
Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews