berberatoday.com
Maxkamad Ku Taalla NORWAY Oo Cafiday Nin Soomaali Ah Oo Qudha Ka Jaray Nin Uu Dhex Maray Khilaaf Ka Dhashay Qabyaalad
July 3, 2016 - Written by Berbera Today

Magaca Gacan-ku-dhiiglaha Maxkamaddu Cafiday Iyo Magaca Marxuumka Uu Dilay

 Tromsø(Berberatoday.com)-Dhageysiga dacwadda iyo Doodda ku saabsan kiiska loo haystay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdimaalik Yuusuf oo ka socotay muddo afar maalmood ah gudaha Maxkamadda magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalka Norway ayaa lasoo gebagebeeyey.

Warka NORWAY 1dacwaddan Kiiska oo aan la furin tan iyo sannadkii 2002-dii ayaa dib uga bilowday magaaladani Tromsø ee ugu weyn woqooyiga dalka Norwey Salaasadii la soo dhaafay taasoo socotay muddo afar maalmood ah, iyadoo taasina ay sabab u tahay kadib markii uu racfaan qaatay Cabdimaalik xilligaas kana baxsaday Norway oo ay baadhis iyo dabagal ku hayeen halkii uu u baxsaday.

Cabdimaalik Yuusuf ayaa bishii November sanadkii 2001-dii ku dilay magaalada Storslett ee Gobolka Nordreise ee dalka Norway muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed kadib markii uu saddex jeer Mindi ka geliyey Dhabarka dhaawacaasina uu u geeriyooday.

Xaakinka Guud ee Maxkamadda ayaa dhagestay Dacwadoogaha Dowladda Norway iyo Qareenka difaacayay Wiilkaan dilka geystay  oo la sheegay in khilaafkoodu marka hore ka bilowday arrimo ku saabsan qabaa’ilka.

Xeeri laalinta maxkamadda Tromsø ayaa ku dhawaaqday Go’aankii ugu dambeeyey ee kiiska dacwaddan iyadoo la cafiyey Cabdimalik kadib markii uu qareenkiisa ku dooday inuu isdifaacayay balse maxkamaddu waxa ay shaacisay inayna kala saari karin in ninkaasi uu si ula kac ah u dilay iyo inuu isdifaacayay, sidaas darteedna ay maxkamaddu qaadatay go’aankaas.

Cabdimaalik ayaa u baxsaday Ingiriiska kaddib markii uu dilkaasi geystay isagoo magangelyo ka helay  hase-yeeshee  bishii February ee sanadkaan 2016-ka ayaa police-ka caalamiga ah ee Interpol u soo gacan geliyeen Dowladda Norway kadib markii fara dambiyeed laga helay isagoo ku sugan dalka Uk.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews