berberatoday.com
SOOL: 40 Oday Oo Laga Dhaariyey Beelihii Dirirtu Ku Dhex Martay DHARKEYN-GEEYO, Hadalladii Madasha Laga Jeediyay Iyo Dardaaranka Madax-dhaqameedka Gurmaday”Daawo Muuqal
July 3, 2016 - Written by Berbera Today

Sool(Berberatoday.com)-Ergada Nabadeed ee ka shaqeynayey Nabadeynta Labada Beelood ee ku dagaalamay Deegaanka Dharkeyn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool, ayaa ku guuleystay inay isa soo hor-fadhiisiyaan Waxgaradka iyo Odayaasha Labada Beelood ee Dagaalku dhex marayey Muddooyinkii dambeeyay.

Warka SOOOLKulanka la isku soo hor-fadhiisiyey Waxgaradka labada Beelood ee Baharar-same iyo Qayaad (Dhulbahante) oo Shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood, ayaa waxa lagu dhaariyey inay Nabadda ka shaqeynayaan 40 Oday oo ka soo kala jeeda Labada Beelood ee Walaalaha ah, kuwaasi oo Labaatanba dhan ka socdaan.

Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine), ayaa waxa ugu horeyn hadal ka soo jeediyay Guddida Nabadeynta ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland u diray, waxayna halkaa ka akhriyeen Shuruudaha laga rabo Odayaasha la dhaariyey.

“Shuruudda koowaad ama Qodobka koowaad ee la idinka rabaa waxay ku salaysan yihiin Dhaqanka iyo Diinta, waxaana kow ka ah inaad Daacad ka tihiin inaad Nabadda ka shaqeynaysaan Dhaarta, inaad Xabadda joojisaan, inaad Maleeshiyaadka kala qaaddaan.” Ayuu yidhi, mid ka mid Madax-dhaqameedka Nabadda ka shaqeynaya.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Garaaddada iyo Waxgaradka kale ee baaqyada Nabadeed soo diray iyo kuwa ka shaqeeyay Nabadda Maanta keentay in la isku yimaaddo.”

Suldaan Dhawal oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Reer AWDAL ee ka qayb-qaadanaya Nabadeynta Labada Beelood ee Dhulbahante, ayaa isaguna hadal uu Madashii Odayaasha labada dhinac lagu dhaariyey, ayaa yidhi, “Waxaynu ku jirnaa Maalmihii khayrka lahaa ee Bisha Ramadaan, sidaa daraadeed waxaan filayaa ILAAHAY wuu innaga aqbalay oo Taladeennii wuu soo ururiyey.”

Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Sool oo ku hadlay Magaca Xubnaha laga dhaariyey Labada Beelood ee Dagaalamay, ayaa yidhi, “Waxaanu u Mahad-naqayaa Garaadada, Salaadiinta iyo Isimada noo soo gurmaday, sidaa daraadeed haddaanu nahay Xubnihii la dhaariyey ILAAHAY ha naga dhigo kuwii dhaartaa iyo ballan-qaadkaa ka dhabeeya.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews