berberatoday.com
Suxufi Leh Beerta Labaad ee Bariiska ugu Badan ka Baxo Dalka Nigeria
July 3, 2016 - Written by Berbera Today

Lagos(Berberatoday.com)-Dalka Nijeeriya waxa laga quutaa 5 milyan oo tan oo bariis ah sannad kasta, taasina waxay keentay in dibadda lagala soo dego bariis, maadaama uu ku filnaan waayey wax-soo-saarka bariiska ee waddankaas, balse Rotimi Williams oo ah suxufi 36 jir ganacsade ah, ayaa doonaya inuu arrintaas wax ka beddelo.
Rotimi-Williams
Weriye Rotimi waxa ganacsigiisu yahay beero falista, isagoo leh beerta labaad ee laga soo saaro bariiska ugu badan ee dalka Nijeeriya laga cuno.

Williams oo ah suxufi beeralayda Nijeeriya ugu waaweyn ka mid ah, waxa la yidhaa beertiisa Kereksuk Rice Farm, waana ta labaad ee ugu ballaadhan dhinaca ka ganacsiga bariiska ee dalkaas, maadaama ballac ahaan ay aad u weyn tahay, waxaanay ku taal Gobolka Nasarawa oo woqooyiga Nijeeriya dhaca, waxayna waqtigan ku fadhidaa dhil dhan 43,000 hiktar, shaqaalaheeduna waa 100 qof oo asal ahaan ka soo jeeda qoomiyadda Nasarawa oo beero-falashada aad caan ugu ah.

Dhawaan waxa uu wargeyska Forbes ka waraystay suxufigan ganacsigiisa iyo sida uu u sii horumarayo mustaqbalka wax-soo-saarka beertiisa.

Mr. William oo ugu horreyn wax laga weydiiyey heerka waxbarashadiisa waxa uu ku jawaabay, “Waxa aan dhigtay dugsiga sare ee King’s College oo ku yaal Logos. Markii aan dugsiga sare ka baxay waxa aan shahaadadaydii ugu horraysay ee jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda University of Aberdeen oo aan dhinaca dhaqaalaha ku qaatay. Sidoo kale, waxaan shahaadada labaad (Master degree) ee jaamacadeed ku qaatay ganacsiga oo aan isla Jaamacadda Aberdeen ka dhammaystay. Aqoonta oon aad u jeclaa waxa ay igu sii hoggaamisay inaan shahaado labaad oo master ah ka qaato dugsiga School of Oriental and African Studies oo ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo aan ka bartay maaliyadda iyo darasaadka horumarinta. Intii aan baranayey waxa aan bartay sida loo fallanqeeyo dhaqaalaha Yurub iyo waliba ubucda dhaqaalaha ee London. Kadib waxaan shaqo ka helay magaasiinka Euromoney oo aan barnaamij Afrika ka hadla diyaarin jiray, waxaanan odhan kara waa halka safarkaygu ka bilaabmay.”

36 jirkan ganacsiga iyo saxaafada isku waday waxa uu sheegay in arrintaas ay u saamaxday, kadib intii uu ka shaqaynayey wargeyska Euromoney inuu safari ku tegay dalal badan oo Afrika ah sida Kenya, Rwanda, Uganda, Koonfur Afrika, Zambia iyo Ghana, halkaasna ka soo arkay baahida loo qabo beero-falashada iyo horumarka laga gaadhi karo, “Beeruhu waa shay ka muhiim ah dalalkan, taasina waa halka fikirka igu keentay. Safar yar kadib waxa aan go’aansaday inaan u guuro Nayjeeriya, ilkahaygana beeraha ku qoto. Nijeeriya waxa ay ka mid tahay dalalka dhaqaalaha ugu horreeya Afrika, bulshadeeduna korayso. Ku noqoshadayda Nijeeriya kadib waxa aan shaqo ka helay Bangiga Premier Bank ee Ingiriiska, halkaas oo aan kursiga beeralayda u fadhiyey. Rajadaydu waxay ahayd inaan cilmi igu filan ka helo beera-falashada Nijeeriya, noloshaydana horumariyo.

Nasiib-darro kursigaas kumaan gaadhin hadafkayga, kadibna bangiga waxaan u qasbay inuu siyaasad beeraha ah samaysto, balse kumaan guulaysan, waxaanan ogaaday in aan bangigu u diyaar ahayn arrimaha beeraha, kadibna waan iska joojiyey shaqadii bangiga, waxaanan go’aansaday inaan kaligay beeraha qodashadooda ku dhaqaaqo. Dhab ahaan go’aankaas loollan badan iyo carqalado ayuu lahaa. Waxa aan samaystay shirkad yar oo dhinaca maaliyada iyo ganacsiga ah, waxa aan la tashaday shirkado yar yar oo beeraha ka shaqeeya, sidaa awgeed lacag baan dibadda iyo dalkaba ka dheefay.”

“Laba sanno ka hor wax dakhli ah manaannu haysan, sidaa darteed waxaan dalab u bandhigay mulkiilaha beerta oo aan u sheegay in aan u kala qaybsanno 50-550, anna aan beerta horumariyo oo aan dakhli aan leeyahay geliyo iyo mid aan dibadda ka soo qaadaba. Wuu iga aqbalay, sidaasina waa sida aan ku noqday mulkiilaha iska leh 17,296 hiktar oo dhul beereed ah. Aakhirkii waxa aan yeeshay 45,000 hektar beerta, waxaanuna hadda soo saarnaa bariis tayo leh oo Nijeeriya quudiya,” ayuu yidhi William oo ka hadlayey sida uu beerta ku hantiyey.

Suxufigan ganacsadaha isu beddelay waxa uu xusay in aannu beero qodashada waxba ka aqoon, laakiin uu ka bartay mareegta internetka ee Google iyo wax badan oo uu akhriyey, aakhirkiina u horseedday xirfad kale oo uu ku shaqeeyo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews