berberatoday.com
Faallo: Shirkii saacada keliya ee IGAD Muqdisho ku yeelatay iyo ujeedooyinka ku qarsoonaa? Qore: H Diiriye Jaamac
September 18, 2016 - Written by Berbera Today

Faallo: Shirkii saacada keliya ee IGAD Muqdisho ku yeelatay iyo ujeedooyinka ku qarsoonaa? Qore:     H Diiriye Jaamac

Waxaa maalintii Ciida islaamka ee Ciidul Al-Udxa lagu soo beegay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen madaxda wadamada ku bahoobay ururka IGAD,kaasoo si loo sugo amniga madaxda dhowrka ah ee ka timid wadamada Kenya, Uganda, iyo Ethiopia, lagu qabtay kulan socday mudo ka yar saacad oo keliya, oo lagu qabtay meel aan sidaas uga fogeyn meesha ay soo fadhiisteen diyaaradaha ay sadexdaas masuul wateen, oo ah xerada Xalane oo hada iyada iyo garoonku ay isku mid noqdeen.

Hadaba waxa labadii wiig ee ugu danbeeyey dadka soomaaliyeed ee ku nool muqdisho la soo deristay xanibaad u diiday inay six or ah ama nabad ah u ciidaan, oo ay u soo adeegtaan, isla markaana soo booqdaan eheladooda, iyadoo hada la ogaaday ujeedada keliya ee loo diiday isu socodka shacabka muslimiint ah ee soomaaliyeed ay tahay oo keliya in shirkaas saacada ka yar socday aan la carqaladayn, waxaana sidoo kale iyadoo nimanka masuuliyiinta soomaaliyeed sheegta ee Xamar ku sugan shacabka soomaaliyeed ku beerlaxawsadeen ama isu tusaan inay yihiin niman diidan Somaliland ay u sheegeen waxmaratada in ujeedada qaadka loo joojiyey ay tahay oo keliya inay ka xanaaqeen nin badhasaab ka ah gobolka Meru ee dalka Kenya oo Hargeysa booqasho ku tegey oo idaacadaha ka sheegay in hadii Somaliland laga bilaabo qaadka Kenya , Kenya wax ka qaban doonto aqoonsiga Somaliland, balse su’aashu waxay tahay safarka ninkaas oo mudo dheeri ka soo wareegtay wax ficil ah lagama qaadan, balse maxaa ku soobeegay wakhtiga la qabanayo shirkan, iyo qaadka oo la joojiyo ama sida la sheegay la hakiyey, si lama filaan ah.

Waxa khubarada faaleeya arimaha siyaasda ay arintan ku macneeyeen in ujeedada qaadka loo joojiyey ee runta ahi ay tahay in diyaarada qaadka keena garoonka muqdisho ay amni daro u keeni karaan madaxda muhiimka ah ee garoonka imaan doonta, waxaana taasi cadaatay in qaadkii la sheegay in la joojiyey, saacado kadib la furay marka shirkii dhamaaday, taasoo lagu macneeyey amar ka yimid nimanka cadaanka iyo madowga isugu jira ee wiigii la soo dhaafay la wareegay amniga garoonka, maantana markuu shirkii dhamaaday ku soo celiyey gacanta soomaalida.

Waxaa kaloo shaki weyn umada soomaaliyeed ku keenay kadib markii ay soo xaadiri waayeen labadii madaxweyne ee IGAD muslimka ka ahaa ee madaxweynaha Jabuuti iyo kan Suudaan, oo midna lagu sheegay in diyaaradii soo qaadi lahayn “Cilad farsamo ku timid”, midna lagu sheegay in uu ciida dadkiisa la ciidayo, balse warar hoose waxay sheegayaan, in ujeedada ugu weyn ee shirkaba muqdisho oo aan nabad ahayn shir loogu qabanayaa ay ahayd sidii shirqool loogu samayn lahaa madaxweynaha Suudaan mudane Xassan Al-Bashiir oo shirkii hore ee IGAD ee Uganda faro cidi leh ku fakaday, oo waxa la xaqiijiyey in ciidamo iyo diyaarado maraykan iyo gaalo kaleba leedahay lagu arkayey garoonka muqdisho, soomaalidii oo dhana banaanka laga dhigay, oo haduu cag soo dhigi lahaa la qaban lahaa, balse uu ka baaqsaday inuu dabinka loo dhigay soo galo.

Fadeexada kale ee shirkaas hadhaysay ayaa waxay ahayd, iyada oo warsaxaafadeedka ay akhrinaysey wasiir ka tirsan dalka Kenya, meesha kuwii soomaalidu ay meesha iska tubnaayeen.

Ujeedada shirkan loo qabtay ayaa waxa lagu macneeyey oo kale in amar ama waraaqo diyaar ah loo keeno nimanka 6-da ah ee sheegta inay madasha ama dabinka umada soomaaliyeed lagu iibinayo fadhiya, kuwaas oo ah dad la soo samaystay oo umada soomalaiyeed aan kalsooni ka haysan, isla markaana sida ay sheegeen ku heshiin waayey 2 ama 3 kursi oo aqalka sare ama qaabka doorashadu u dhacayso, waxaana mid walba loo dhiibay waraaq uu saxeexo oo amar la socdo, iyaga oo hoos eegaya, waxaana laga diiday dhamaan wixii ay horay iyagu u sxaeexeen ee ay u arkeen maslaxada umada soomaaliyeed, taasoo muujinaysa masuuliyad darada nimankaas qoorta isaga duubay taladii umada soomaaliyeed, una nugul maqalka iyo u adeegida ninam afrikaan ah oo iyaga aan waxba dhaamin.

Hadaba hadaad eegyo qodobada la sheegay in la soo saaray ayaan wax macno ah oo cusub u lahayn umada soomaaliyeed, waxna ka bedeli Karin xaalada cakiran oo maraysa meeshii ugu xumayd abid, oo bil walba ay dhintaan boqolaal qof oo soomaaliyeed, iyadoo wax laga xishoodo ah in ay ku amaanaan madaxda soomaalida inay “Sugeen amnigii wadanka, oo dawladu shaqo fiican qabatay”, taasoo cay ama aflagaado ku ah umada soomaaliyeed.

Isku soo wada duuboo waxa maanta dawlada Xassan Culusow noqotay dawladii ugu horeysey ee soomalaiyeed oo sharciyaysa ama heshiis qaad la gasha wadan kale, oo sharci ka dhigtay in Kenya weligeed maandooriyaha qaadka ku soo daabusho soomaaliya, oo dawladaha kale ee tan ku xiga aanay ka bixi Karin ama aanay joojin Karin qaadka, taasoo ,maalin walba lacag aan ka yarayn 1 milion oo doolar ka qaada soomaaliya, wax kalena aan lagu bedelan, waxaana sidoo kale kenya tahay wadanka lagu cuno lacagta soomaaliya laga dhaco.

Waxaa sidoo kale ay sharciyeeyeen in maamul goboleedka ugu danbeeyaa uu yahay kan Hiiraan iyo shabeelada dhexe, oo aan la soo qaadan kuwo kale oo umada soomaaliyeed samaysatay, oo aan lagu soo qaadin wadahadalada nabadeed ee Khaatumo iyo Somaliland ama dhamaan dadka ku nool waqooyiga somaaliya, cid u meteshaana aanay joogin shirarkaas ama muqdisho.

Waxa go’aamadan lagu sheegay in Puntland lagala noqday dhowr xubnood oo dhowaan aqalka sare loogu daray, iyo kuwo sida la sheegay la siiyey gobolada SSC oo muran badan dhaliyey, iyo kuwo la siiyey gobolka Banaadir, oo dhamaantood la daadiyey, taasoo keeni karta muaran kale iyo is qabqabsi lagu fashilnayo soomaalida.

Waxaa durba diiday madaxweynaha Somaliland, oo ku sheegay inaanu iyaga khusayn, waxaana maalmaha soo socda diidi doona Puntlandka Gaas oo aan hubo inuu dhowr maalmood kadib ka noqon doono, oo ;agu bartay nimaan go’aan ku adkaysan Karin, iyo weliba Khaatumo iyo kuwo kaleba.

Qalinkii : H Diiriye Jaamac

Contact: hakiimd@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews