berberatoday.com
Mayar Cabdishakur Cidin Oo Berbera Kaga Qeyb Galay Xaflad Laysugu Guurinaayay Qoys Kasoo Jeeda Beelaha Gabooye Iyo Waxgaradka Beeshaas Oo Ku Bogaadiyay Talaabada Uu Ku Dhiiri Galinayo Isdhex Galka Bulshada+Sawiro
September 18, 2016 - Written by Berbera Today
gabooye2Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Mudane Cabdishakuur Maxamud Xasan(Cidin) ayaa Xaflad Qoyskii Gabooye Ah Laysugu Guurinayo Kaga Qeyb Galay Hutel Scandinavian ee Berbera.
Xaflada wiilka iyo gabadha laysugu guurinaayay ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Muxiyadiin Shugri Cali iyo Nimco Maxamed Xuseen,
Salaadin iyo Cuqaashii Beelaha Gabooye ee kasoo qeyb galay xaflada ayaa Mayarka Berbera Mudane Cabdishakuur Cidin Kutilmaamay Masuulkii U horeeyaya Ee Xaflad Ay Leeyhiin beelahani Kala Soo Qeyb Gala Iyaga Oo Ku Bogaadiyay Talabaadas Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Mudane Cabdishakuur Maxamud Xasan (Cidin) Uu Qaaday.
Sidoo kale Mayar Cidin Ayaa Duqdayda Iyo Waxgaradka Beelaha Gobooye ugu horeyn ku bogaadiyay xaflada ay labada dhalinyarada ah isugu guurinayaan isaga oo sidoo kalena qoyska cusub ee dhidibada loo taagayna ugu duceeyay inuu ilaahay ka dhigo guri barwaaqo oo lagu nasto laguna nagaado.
Waxa kaloo Mayar Cidin ugu bulshada beelaha gobooye meel ay joogaanba in aanay dadka iska dhex saarine Ay wax la qeybsadaan isagoo kula dardaarmay Gudoomiyaha golaha deegaanku inay Ku dadaalaan waxbarashada oo ay caruurtood geeyaan goobaha waxbarashada si ay qeyrkood ila tartamaan oo ay uga baxaan magaca aan meel marka ahayn ee lagu tilmaamo beelahan ee ah Beelaha La hayb sooco Oo Mayarku Kutilmaamay mid aan waxba ka jirin cid la hayb soocaana aanay jirin guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Berbera oo lawada dagan yahay.
Caaqil Xasan Shaqale Maxamud oo isaguna ah Caaqilka ugu dada yar cuqaasha Gobolka Saaxil ayaa isaguna Maayar ku wehelinaayay ka qeyb galka Xafladaasi laysugu guurinaayay qoyska kasoo jeeda Beelaha gabooye, Caaqila ayaa hadal uu madasha ka jeediyay ugu horeyn udceeyay Qoyska isdoortay ee maanta la asaasayay gurigooda isaga oo balana ku qaaday inuu xaflad kasta ee belaha gabooye yeelanayaan uu ka qeyb gali doono islamarkaana uu ka shaqayn doono isdhexgalka bulshada gaar ahaan bulshada reer Berbera.
Labada ardaa ee kasoo wada jeeda Beelaha gabooye ee Maanta isu guurinaayay wiilka iyo Gabadha ayaa kasoo kala jeeday deegaan ahaan Gobolka Saaxil iyo Maroodijeex (Hargeysa)Oday kamida qolada Hargeysa kasoo boqooshay oo wiilka inanta guusanaayay wehelinaayay ayaa goobta kaga tiraabay in aanu Mayarka Hargeyusa  Cabdiraxmaan Solteco Xaafadoodaba soo dhex marin iskadaa Xaflad uu kala soo qeyb galee iyaga oo beelaha Gabooye ee Berbera ugu baaqay inay Mayarkooda ilashadaan lana shaqeeyaan maadama oo uu yahay nin og inay kamid yihiin Beelaha gabooye ee gobolka Saaxil kuwo kamida dadka uu masuulka kayahay.
Waxyaabaha xaflada ku lamaanaa ee layaabka laha ayaa waxa kamid ahaa Mayar Cidin oo bulshadii gabooye ee madasha fadhiday kula hadlay afkooda ugaarka ah ee ay isticmaalaan isaga oo si fiican ugaranaayay, waxaana mar kaliya laysla oogsaday qosol iyo sacab ay tumeen salaadiintii, Cuqaashii, waxgaradkii iyo dhalinayardii Madasha fadhiday iyaga oo ka mabsuuday qaabka uu afkooda ugula hadlaayay iyo sida uu ugaranayo.
Talaabada uu qaaday Gudoomiyaha golaha deegaanka Degmada Berbera ayaa umuuqata mid dhiiri galinaysa isdhex galka bulshada kala qoqoban iyada oo ay tahay markii ugu horeysay ee Masuul sare ka qeyb galo xaflad ay beelaha gabooye leeyihiin sida ay madasha ka cadeeyeen salaadiin iyo cuqaashii beelaha gabooye ee goobta fadhiyay.
gabooye1 gabooye2 gabooye3 gabooye4
gabooye7 gabooye6
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews