berberatoday.com
Gabadh Muslimad Ah Oo Xeeb Ku Taala Faransiiska Ku Tagtay Dhar Asturan Kadibna Laga Soo Eryay
September 19, 2016 - Written by Berbera Today

Farnce(Berberatoday.com)-Gabadh Muslim ah oo Australia ka timid ayaa ka warantay sidii loogu qasbay in ay ka tagto xeeb ku taalla Faransiiska sababtuna ay ahayd in ay qabtay dhar asturan.gabadh muslimad ah
Zeynab Alshelh oo 23 jir ah baratana dhakhtarnimo ayaa warbaahinta Australia u sheegtay in ay safarkeeda Yurub ay uga gol lahayd in ay ku garab istaagto gabdhaha Muslimiinta ah ee qaaradaas ku nool.
Muuqaal laga sii daayay Channel 7 ayaa muujinaya dad Faransiis ah oo gabadhan u sheegaya in ay isaga tagto xeebta haddii kale ay u wici doonaan booliiska.
Zeynab oo joogta xeebta Riviera oo laga joojiyay mamnuucitaankii ka hor istaagayay
Zeynab oo joogta xeebta Riviera oo laga joojiyay mamnuucitaankii ka hor istaagayay dumarka asturan in ay dabaashaan_xijaab
Maxkamadda sare ee dalka Faransiiska ayaa meesha ka saartay sharciyadii mamnuucayay in dumarku ay ku dabaalan karaan xeebaha iyaga oo asturan.
Dhawr magaalo ayaa markii hore keenay sharcigaas iyaga oo sheegay in dharka asturaada ah ee lagu dabaasho ay astaan u tahay Islaamka ayna kicisay dareenka dadweynahatan iyo wixii ka dambeeyay falkii argagixiso ee bishii lixaad ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.
Alshelh ayaa sheegtay in iyada iyo qoyskeedu ay u safreen si ay wax badan uga soo ogaadan xaaladda ayna fiiriyaan bal wixii ay ka qaban karaan.
Muuqaalkan Channel 7 laga baahiyay Axaddii ayaa muujinaya nin ugu goodinaya in ay xeebta ka tagto haddii kale uu booliiska u yeeri doono, intaasna waxaa sii dheeraa dadka oo xeebta jooga oo u miidaaraya ama u sheegaya in aysan raali ka ahayn in ay xeebta joogto

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews