berberatoday.com
Madaxtooyada Somaliland Oo Jawaab Ka Soo Saartay Diidmada Beesha Caalamku Kala Hor-timid Go’aankii Madaxweynuhu Dib Ugu Riixay Doorashada Wakiillada
September 19, 2016 - Written by Berbera Today

“Ma waxaynu qabanaa doorasho muddaysan oo ay danaynayaan Bulshada Caalamku, Mise waxaynu qabanaa doorasho xor ah, xalaal ah oo ku habboon wadciga, waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalkeena..”? Madaxtooyada Somaliland

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa jawaab ka soo saartay Dhawaaqyada Dalalka Reer Galbeedka ee Somaliland ka taageera Doorashooyinku ku diiddan yihiin Go’aankii Madaxweynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

War-saxaafadeed Xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada isla-markaana uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Deyr, ayaa  lagu sheegay in Go’aanka uu Madaxweynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ee qorshuhu ahaa in mar la wada qabto bisha Saddexaad ee Sannadka dambe, uu ahaa mid lagu saleeyay duruufo kala duwan oo wakhtigan ka jira Somaliland.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran wuxuu u dhignaa sidan:-

Ujeedo:  Jawaab-Celin Ku socota Bulshada Caalamka, Arrinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo go’aankii uu qaatay in uu dib u dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada, wuxuu ahaa go’aan uu si qoto dheer uga fikiray, sharci ah oo haysta taageerada bulshada isla markaana salka ku haya Distoorka Qaranka, duruufaha siyaasadeed iyo kuwa farsamo ee haatan ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. Arrinta dib-u-dhigista doorashooyinka Golaha Wakiillada, Madaxweynaha JSL arrimaha uu ku go’aan qaatay waxa ka mid ahaa:
    1. Ka dib markii uu daliishadayQodobka 8-aad farqadiisa 1-aad iyo 2-aadQodobka 22-aad iyo Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka,
    2. Ka dib markii uu cuskadayqaraarkii ay Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL ahi ka soo saartay doorashooyinkii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee xilligaa hal mar oo keliya doorasho lagu galo, wixii ka dambeeyana saami-qaybsiga lagu salayn doono tiro-koob guud oo dalka laga qabto,
    3. Ka dib markii uu gar-waaqsadaysaluuga ka soo yeedhay bulshada ku nool Gobollada Awdal, Sool, Sanaag iyo Maroodijeex iyo cabashada ay muujiyeen Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee la xidhiidha saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee JSL,
    4. Ka dib markii uu tix-raacay go’aankiiay wadajirka u soo saareen Axsaabta Qaranka ee ay Madaxweynaha kalsoonida buuxda ku siiyeen in uu go’aan ka gaadho arrinta Saam-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada JSL, ka dib markii ay saddexda xisbi ku adkaatay in ay talo midaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan,
    5. Ka dib markii uu yaqiinsaday muhimaddaay Qaranka u leeyihiin dedaalada loogu jiro nabadaynta iyo dib-u-heshiishiinta Qaran ee haatan ka socda Gobollada Sool iyo Sanaag,
  • Ka dib markii uu gar-waaqsadaybaahida weynee loo qabo in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada qayb galaan,
  1. Ka dib markii uu arkayin ay lagama maarmaan tahay in la helo waqti ku filan si arrimaha kor ku xusan loo dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeeladba ku dhisan,
  1. Muran kama taagna in Golaha Wakiilladu uu muddo dhaaf yahay,
  2. Sidoo kale, waa arrin gar ah in ay muwaadiniintu helaan xuquuqdooda distooriga ah si ay ugu codayn karaan ciddii ay u doortaan inay iyaga u matalaan Golaha Wakiillada JSL,
  3. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah in Bulshada Caalamku ay si weyn u maal-galiyeen dhammaanba doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo aanu ka mahad-celinayno abaalna ugu hayno Beesha Caalamka,
  4. Hase ahaatee nuxurka iyo mucda arrintu maaha taa!! Arrintu waxay tahay: Ma waxaynu qabanaa doorasho muddaysan oo ay danaynayaan Bulshada Caalamku taas oo ku qabsoonta xilligii ay u qoondeeyeen? Mise waxaynu qabanaa doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada qayb galaan oo ku habboon wadciga, waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalkeena?
  5. Mugdi kuma jiro dariiqa iyo sida aynu doonayno: Waxanu doonaynaa inaan qabano doorasho sax ah oo ku qabsoonta waqti iyo xaalad ku habboon!! Laakiin ma doonayno in aynu qabano doorasho sax ah oo la qabto xilli iyo xaalad aan ku haboonayn!!
  6. Dabcan waqtiga doorashadu waa muhiim, laakiin marka loo eego qaabka iyo hannaanka ay doorshooyinku Somaliland uga qabsoomaan, waqtigu maaha ka ugu muhiimsan ee leh muhimadda koowaad.
  7. Arrimaha Qaranka Somaliland mudnaanta koowaad u lihi waa nabadda iyo xasiloonida, midnimada iyo wada-jirka ummadda, kuwaas ayaa saldhig u ah inay qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL iska wada dhex arkaan.
  8. Madaxweynaha Axmed Maxamed Silanyo waa Madaxweyne si xor ah ay u doorteen aqlabiyadda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aan kasta oo Madaxweynuhu gaadho iyo tallaabo wal oo uu qaado (ha adkaadeen ama ha fududaadeene) waxa saldhiga u ihi waa danaha Qaranka iyo maslaxadaha ummadda. Sidaa darteed, Madaxweynuhu isagoo ka duulaya sida ugu habboon ay danaha ummaddu ku aslaxayaan wuxuu go’aamiyey:
    1. In aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu geli karin nidaamka Saami-qaybsiga Kuraasta Gobollada ee haatan jira,
    2. In Doorashada Madaxweynennimada la qabto waqtigii loogu talo galay, 28 March 2017,
    3. In dib loo dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyadoo la raacayo nidaamka iyo xeerarka u dhigan. Taasoo macnaheedu tahay in ugu horraan Madaxweynuhu qoraal Codsi ah u gudbiyo mudanayaasha Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan. Ansixinta kaddib, Madaxweynuhu qoraal u diri doona Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL, kaddibna waxa loo gudbin doonaa mudanayaasha Golaha Guurtida si ay uga soo talo bixiyaan,
  9. Bulshada Caalamku ha naga taageeraan ama yaanay naga taageerine, waxa naga go’an in Doorashada Madaxweynennimada iyo ta Golaha Wakiilladuba ay ku qabsoomaan xilliga loo muddeeyo, inkasta oo aanu weli naawilayno in Bulshada Caalamku ay gacan naga siin doonaan labada doorashaba.
  10. Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi,  is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu anagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Sida ay awalba yeeli jireen, waxaanu ku rajo weynahay in Bulshada Caalamaku ay arrimahayaga nagu tix-gelin doonaan.

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

Xuseen Adan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL,

Himilomedia.com

Hargeysa Office

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews