berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Madaxda Xisbiyada Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Cismaan-Hindi
September 19, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Allaah ha u naxariistee Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Britain Axaddii Maanta, ka dib markii uu Marxuumku dhawaanahanba xanuunsanayey, isla markaana xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaallo kala duwan oo dalalka Yurub qaarkood ku yaalla.

MARXUUM CISMAAN CABDILLAAHI CIGAAL (CISMAAN-HINDI)

MARXUUM CISMAAN CABDILLAAHI CIGAAL (CISMAAN-HINDI)

Rabbi ha u naxariistee Marxuum Cismaan-Hindi, ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiintii Somaliland, waxaanu ka mid ahaa Xisbiga KULMIYE bilawgii oo uu ka ahaa Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, kaasoo uu ka baxay 2008-dii, kuna biiray Xisbigii UDUB ee markaa talada hayay, waxaanu ka noqday Madixii Ololaha doorashadii Madaxtooyada Xisbiga UDUB. Hase-yeeshee, markii Xisbigaas laga guulaystay doorashadii 2010-kii waxa uu u baydhay dhinaca Ganacsiga, ahaa Mulkiilaha Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa.

Waxaa ka hadlay geerida Marxuumka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Faysal Cali Waraabe, kuwaasoo Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Somaliland oo ay ka tacsiyadeeyeen Geerida Marxuum Cismaan-Hindi, waxaanay Allaah uga baryeen inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, iyagoo Allaah uga beryey Marxuumka inuu Naxariistiisii Janno ka waraabiyo.

Waxaanay ka sheekeeyeen doorkii siyaasadeed ee Marxuumku ku dhex lahaa Xisbiyada Siyaasadda Somaliland intii uu ku dhex-jiray, isagoo ka mid ahaa muddadaas dadka sida aadka ah uga dhex-muuqday arrimaha Siyaasadda iyo Xisbiyada Somaliland.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha Somaliland ee Madaxtooyadu Warbaahinta u kala dirtay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews caawa, waxay u dhignayd sidatan:- “IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN; == Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ku geeriyooday Ingiriiska Maanta 18/09/2016.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi magac iyo maamuus ku dhex lahaa dalka iyo shacbiga Somaliland, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xisbigii UDUB iyo xisbiga KULMIYE, isagoo door muhiimana ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska iyo horumarka dalka Somaliland, kana mid ahaa ganacsatada dalka maalgelinta ku sameeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaa ayaa lagu yidhi dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha Somaliland.

Bahda Warbaahinta Berberatoday.com guud ahaan waxaannu sidoo kale Tacsi u diraynaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay Marxuum Cismaan-Hindi, waxaannu leenahay Allaah ha innaga siiyo Samir iyo Iimaan Saadiq ah, Marxuumkana Allaah Naxariistiisa Janno haka waraabiyo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews