berberatoday.com
Turkiga Oo Gacanta ku Dhigay Nin Haweenay Dhar Gaagaaban Gashan Wax-yeeleeyay
September 19, 2016 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Ciidanka dalka turkiga ayaa xabsiga u taxaabay nin  dhibaateeyay gabadh kaaso ay sheegeen inuu laaday gabadhan isla markaana uu dhaawac gaadhsiiyay sababtuna ay ahayd in gabadhani ay gashanayd surwaal aad u gaaban nooca loo yaqaan (short), waxa aanay ku kulameen ninkan iyo gabadhan basaska ka dhex shaqeeya magaalada Istanbuul  .

Waxa kale oo ay wararkuu intaa ku daran in ay ciidamadu ninkan gacanta ku dhigeen kadib markii uu baska ka dagay waxa aanu waqtigaa ku sugnaa xaafada Iskoodaar .

Sababta lagu dareemay inuu ninkani haweenayda dhib gaadhsiiyay ayay ku sheegeen dadkii ku xeerna inuu markuu ee dhibaataynayay uu aad u qayliyay , gabadhan oo ah gabadh Nurse ah isla markaana ka hawl gasha mid ka mida dhakhaatiirta waawayn ee magaalada Istanbuul ayaa waxa uu ninkani ku dhawaaqayay markii uu dhibta u gaystay “waxa waajib in la  dilo dumarka xidhan saraawiisha gaagaban “ , kadibna uu wajiga ka laaday .

Kadib markii ay ciidanku gacanta k u dhigeen ninkan ayaa waxa uu qirtay in sababta ku kaliftay arrintani ay tahay isaga oo ka xanaaqay sida ay gabadhani u labisantahay iyo surwaalka gaaban ee ay xidhantahay .

Waxaa aanu ninkani ku yidhi ciidankii gacanta ku dhigay “surwaalka gaaban ee ay xidhnayd maaha mid wanaagsan, sidaa awgeed Ayaan uga xanaaqay arageeda”.

Warka oo aan ka soo xiganay wakaalada wararka ee dalka turkiga ee magaceeda la yidhaa Dogan ayaa waxa kale ay intaa ku dartay in ninkani uu ka shaqeeya ilaalinta shirkadaha waawayn ,,isla markaana markii la baadhay kadib la ogaaday inuu ninkani isku buuqsanyahay ,sidoo kale ururka haweenka dalkaasi turkiga ayaa aad u dhaleeceeyay dhacdadan waxaanay ugu baaqeen raga ku dhaqan dalka turkiga inay joojiyaan dulmiga ay haweenkooda ku hayaan ,waayo sanad kasta waxa la dilaa boqolaal dumara kuwaaso ay raga qaba ku dilaan sabab la’aan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews