berberatoday.com
Danjire Cawil Oo Xisbiyada Mucaaridka Xasuusiyay Masiirka Umada, Ilaalinta Qadiyada Qaranka Iyo Isku Duubnida Shacabka
September 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa Madaxweyne mucaaradka ugu baaqay inay aqbalaan go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho, maadaama oo buu yidhi ay hore u balan qaadeen inay aqbali doonaan go’aanka uu soo saari doono Madaxweynuhu.

Danjire Cawil, oo xalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaloo sheegay in qaddiyadda saami qaybsigu tahay mawduuc xaasaasi ah oo u baahan in si degen looga baaraan dego. Cawil wuxuu ugu horayn isagoo ka hadlaya saami qaybsiga uu yidhi , “Umadu waxay wax ku noqotaa kalsoonida ay isu hayso,  umadu way hagaastaa haddii ay madaxweynaha ay doorteen noqdo mid ay dawlado shisheeye wax u yeedhiyaan,danjire cawil

taas oo ka duwan barta ay danta umaddu ku jirto, arrinta saami qaybsigu waxay taagnayd laga bilaabo 1960-kii, Ingiriisku wuxuu inoo qoondeeyay 33 kursi, markaynu calanka qaadanay lama bedelin tiradii ingiriisku inoo qondeeyay, ilduuf taariikhiya ayuu ahaa oo inoo horseeday dhibaatooyin faro badan. Somaliya wuxuu Talyaanigu u qoondeeyay 47 kursi, maalilntay calanka qaateen waxay ka dhigteen 90 kursi, inaga waxa ina seegtay Ingiriisku wuu tagay xornimo  ayaynu qaadanay ee kuraasta ka dhigta inta Somaliya ka dhigatay ama ka badiya oo boqol ka dhigta oo  Somaliya ayaad ku biiraysaane  idinkoo toban kursi dheer u taga weliba, baarlamaankaasna haddaan boqol la tagno lama bedeli kareen, inagaa ilduufnay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Saami qaybsiga waxa iska lahaa asxaabta qaranka oo ka maagay oo kalsoonidoodii yeelan waayay inay xalkeeda keenaan, madaxweynaha ayay ku wareejiyeen iyagoo balan qaaday inay aqbali doonaan go’aan kasta oo madaxweynuhu soo saaro.”

Isagoo xisbiyada la hadlaya wuxuu yidhi “Waxa madaxda asxaabta qaranka looga baahanyahay aqbalaadda go’aankaasi sidii ay ku balan qaadeen, haddii saami qaybsigu sidii uu hore u ahaa doorashada lagu qabto waxa hubaal ah in gobalada qaarkood qaadici lahaayeen inay ka qayb galaan doorashada taas oo dhaawac aan laga soo waaqsan u gaysan lahayd jiritaanka Somaliland.”

Isagoo ka hadlaya deeq bixiyayaasha wuxuu yidhi “Waa inaynu maskaxda ku haynaa inaanay deeq bixiyayaashu ina xukumin, waxbana inoo yeedhin karin, dalku wuxuu leeyahay madaxweyne la doortay, isagaa ayay u taalaa inuu halka danta umadu ku jirto talabaadeeda qaado, cidna aanu ka yeelin ama dawlad weyn ha noqoto ama mid kale ha noqotee in loo yeedhiyo waxaan danta umaddu ku jirin.”

Wuxuu Cawil soo jeediyay in la iska ilaaliyo waxyaabaha ama hadalada dhaawici kara isku duubnida shacabka Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews