berberatoday.com
Maantaa la Tabayaa , Maanso baroordiiq ah oo Marxuum cisman Hindi loo tiriyey
September 22, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Magaca Maanso: Maantaa La Tebayaa

 

Maansadan baroordiiqda iyo ducada ah waxaa Hal-abuuray Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, Maansada waxaa kaloo ka waramaysaa taariikhdii iyo Magacii Marxuum: Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) uu ku dhexlahaa Bulshadda Somaliland, Waxaana lagu aasay xabbaalaha bariga London ee cariga Ingiriiska (UK), Taariikhda: 20/09/2016.

Wuxuuna yidhi sidan;

Adduun maalmo weeyoo

Mawd waan u dihinee

Xaqa maalintiisana

Nina ka ma muquurtoo

Qadar ka ma maqnaadee

Saaco ka ma hor marayoo

Midna ka ma dib dhacayee

Qofna meel ku dhiman iyo

Manfac intuu cunaayaba

Waan mooganahayoo

Maan kuma arkaynee

Mahuraan walaalkeen

Maantana cismaan baan

Ciidii ku moosnee,

Muslimkani dhammaantii

Ducadii u miisiyo

Muxubada waddacayaan

Mawjadahan gelbinayaa

Intii uu mudnaa iyo

Magaciisi weeyaan.

Haddaan weynay maantana

Murugada qalbigayaga

Kama miirikaraynoo

Ma illoobi karaynee

Allow samir ka maashee

Ehel iyo macaariif.

Mudan kale dareenkeed

Cabdallow midhkiisii

Maantaa la tebayaa

Manfacuu lahaa iyo

Mudankuu ahaa iyo

Madashii la tegayiyo

Maalkuu dhaqaayiyo

Maskaxduu lahaa iyo

Martiduu jeclaa iyo

Maalmihii adkaa iyo

Midhkii hadalladiisiyo

Mayalkii adkaa iyo

Murtiduu lahaa iyo

Macnayntii siyaasiyo

Midh uu gogol dhigaayiyo

Midh uu fahan lahaa iyo

Midh uu saafi jiray iyo

Mahadhadu ka tagay iyo

Magacuu lahaa iyo

Masuul iyo xilkiisiyo

Madaxduu ahaa iyo

Mansabkuu fadhiyi jiray

Maantaa la tebayaa.

Maalmihii adkaa iyo

Markay murugto xaajadu

Mugdigii siyaasada

Maandhaafku uu yimid

Meeshaan istaagniyo

Madashii andoonaba

Na miraayey booliis

Marka ay na maaggeen

Magalaysid ay odhan

Annagoo mucaarida

Kulmiyoo mar saaqiday

Intaan maaro loo helin

Quful nagu maroorsheen

Naga oodday meeshii

Ninkii naga maslixi jiray

Hal mid uu ka maagayn

Hal mid uu ku odhan jiray

Hal mid uu adkaan jiray

Hab mid uu ku maareyn

Mur hadday qadhaadhahay

Hiilkii la mudan jiray

Maantaa la tebayaa.

Shir markii la doonaba

Madashii la tagi jiray

Isagoo midh lacagiyo

Maal buuxa naga rabin

Maamuus wanaagiyo

Mahuraan walaalnimo

Qarannimo midkeedii

Tolnimana ka maarmayn

Miftaaxuu na siin jiray

Hool lagu mushxaradiyo

Midigtuu na qaban jiray

Maantaa la tebayaa.

Ducadaanu mahadini

Macbuudow illaahow

Maaligow sareeyow

Adaa mawdka keenoo

Magantaada aadmigu

Miskiinnimo ku tuugiye

Makhluuqaad abuurtaa

Meelkastoo u joogaba

Ajashuu ku mudan iyo

Manfacuu cunaayaba

Adaa maamulaayoo

Kaama maarmi karaynee

Awood malihin eebow

Midna siiso mooyee

Maantana ergadayada

Baryadaanu maalniyo

Baabbacada noo madhan

Illaahow marxuumkaa

Qawl lagu macaashiyo

Qabrigoon madoobayn

Misbaax nuura loo shido

Mansab fiican eebbow

Minan lagu nagaadoo

Neecow dhex maaxdoo

Maankii ku diirsado.

Jannadana macbuudow

Ruux diido mooyee

Addaan maanacaynine

Danbidhaaf makhluuqani

Naxariis macaanow

Meel fiican aakhiro

Muslimkaba dhamaantood.

Aammiin Aammiin Allahayow

In-naa lillaahi wa in-naa ilayhi raajicuun.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews