berberatoday.com
Siilaanyo socdaalkii uu ka tagi lahaa Ingriiska oo la joojiyay
September 22, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa,(Berberatoday.com)- Waxa gabi ahaanba la hakiyay waftigii uu madaxweyne Siilaanyo uu ugu kicitimi lahaa dalka Ingriiska sababo la xidhiidha arimaha dib u dhigista doorashooyinka gaar ahaan dib u dhigista doorashada golaha wakiilada waxna ay warar kalai gadisan oo aanu helaynaa sheegayaan in dawlada Ingriiska oo Somaliland ka caawin jirtay arimaha doorashooyinku ayna raali ka ahayn socdaalka madaxweynaha ee xiligani.

Warar ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaaya in madaxweynaha ay joog iyo jiifba u diiday doorashooyinka uu kala qaaday isla markaasina ay Somaliland ku weyday saaxiibo qaali ah taasi oo uu madaxweyne Siilaanyo ka aqnaayo hadii uu tago dalka Ingriiska in uu kala kulmi doono waji gabax, lamana garnaayo in uu gabi ahaanba baaqan doono oo uu dal kale caafimaad ahaan u tagi doono iyo in kale

Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaaya in dal ku galista dalka Ingriiska loo diiday xubno dhowr ah oo doonaayay in ay raacaan waftiga madaxweynaha gaar ahaan kuwa aan hasysan basaaboorada reer galbeedka oo ay badia haystaan xubnaha ka hawl gala xukumadda Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka saaray dhabo qaldan isga oo doorashooyinkii la filaayay in ay si habsami ah u dhacaan gabi ahaanba saaray wado mad madow badan isla markaasina shaki weyn ku abuuray bulshada caalamka ee taageeri jirtay Somaliland, dawladaha reer Galbeedka ayaa Somaliland u sameeyay saynduuq horu marineed kuwaasi oo dalka ka qabtay mashaariic badan oo wax ku ool ah gaar ahaana arimaha waxbarashada,caafimaadka dib u dhiska iyo biyo balaadhinta dhamaanba gobolada dalka, waxna hubaal ah in arimhaasi oo dhami istaagi doonaan madaama oo wasiirka maaliyada ee Somaliland todobaadkani ku dhawaaqay in ayna Somaliland waxaasi oo dhan u baahnyn oo ay iska dabari karto oo ay haystaan lacag ku filan, arintaasi oo ah been cad oo lagu xalaalsnaayo in la boobo doorshada madaxweynaha ee soo socota oo ayna ka tagin xisbiga talada hayaa maamulida dalka

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews