berberatoday.com
CEEB’BAY MAAMULKA GOBOLKA SAAXIL KU TAHAY CABASHADAA KA SOO YEEDHAY BAHDII CADAALADDA
September 23, 2016 - Written by Berbera Today
Kala danbaynta iyo is maqalku waa shayga kaliya ee sababa amniga iyo degenaanshaha nololeed ee aynu maanta ku naaloonayno, in qof walba lagu ixtiraamo mansabka uu hayo oo aan awoodiisa la maroorsana waxay qurxisaa oo qiimo u yeeshaa haykalka iyo hanaanka dawladnimo, Somaliland waxay ku soo caano maashayna waxa weeye in masuul walba looga danbeeyo xilkuu hayo oo aan la faro galin hadba intay awoodiisa maamul gaadhsiisan tahay waana sunaha aynu Somali oo dhan dheernahay kuna faano. Maalmahanba wuxuu muran ka taagan yahay dhisme laga binaynaayo qayb ka mida dhulka Xarunta guud ee Garsoorka Gobolka Saaxil oo Urur aan dawli ahayn oo cusub loo dhisaayo, ururka xaruntii cadaalada Gobolka la siinaayo waxa lagu magacaabaa SOYCA, waa NGO horumarineed hore ayaa dhul loo siiyey oo waxa 2015 lagu wareejiyey meel la mid ah danta guud ee xaafada shacabka oo banaanayd badhasaabkii horee Gobolka Saaxilna waa Fahmi Cabdi Bidaare dhagax dhigay, ma ogi sababta keentay inay ka soo guuraan dhulkii hore ee badhasaabku siiyey kan cusub ee muranka xoogan keenayna loo dhagax dhigo!!!!. Gobolka Saaxil iyo degmada Berberiba waxa ka hawl gala ururo iyo haayado kala duwan oo Horumarineed intooda baddani kiro ayey ku jiraan oo guryaha ay ku hawlgalaan iyagu malaha, shaqooyin kala duwan ayey gobolka ka qabtaan oo lagu mahadiyaa kan soo kordhayna kolay waxqabadkiisa waa wataa laakiin waxa ceeb qaranka iyo maamulka gobolkaba ku ah in xaruntii cadaalada gobolka laga gaanjoynaayey in la yidhaa NGO ayaanu siinay iyadoo la ogyahay muhiimad ay leedahay jiritaanka waaxda garsoorku oo aanay dawladnimo suurgal ahayn iyaga la’aantooda, garsoorkuna waa marjaca markasta loo noqdo oo xataa Madaxwaynaha qaranka iyagaa ansixiya cid kalena hadalkoodaba daa. Dhabar-jab iyo nusqaan ayey Gobolka Saaxil ku tahay qayladaa ka soo yeedhay waaxihii kala duwanaa ee garsoorka, Ceeb inteeda leeg weey in waxba la waydiin waayo masuuliyiinti cadaalada ee gobolka oo halkay degenaayeen si dhib yaraana loogu loogo NGO oo waliba la dhagax dhigo iyadoo aynu ognahay Xarumaha garsoorka inay yihiin meelo xasaasi ah oo u baahan in amnigooda la sugo cid u soo dhawaatana laga dhawro iskadaa in dhulkooda la bixiyee. Runtii waan ka xumaaday dhawaaqaa iyo cabashadaa ka soo yeedhay Garsooraha Gobolka Saaxil, Gudoomiyaha Racfaanka Gobolka Saaxil iyo Garsoorayaashii Gobolkaba iyagoo ka cabanaaya in Xaruntii Maxkamadda Racfàanka, Maxkamadda Gobolka, Maxkamadda Degmadda iyo Xeer-ilaalinta Gobolka Saaxil ay Daganaayeen la siiyey loona dhagax dhigay Urur aan dawli ahayn kaasoo xafiisyo uu ku hawlgalo ka dhisan doona, Gudoomiyaha Racfaanku waxa uu sheegay in uu xayiraad ku soo rogay dhismaha xaruntooda laga dhex dhisayo, laamaha Amnigana uu I gudbiyay, lakiin nasiib-daro aan waxba laga qaban “WAA YAABE MIYAANAY KALA DANBAYN, ISMAQAL IYO IXTIRAAM MIDNA KA JIRIN GOBOLKA SAAXIL”!!!! Taasina ay keentay in ay shirkan jaraa’id qabtaan,DAWO HADDAY BUKOOTO MAXAA LAGU DABIIBI garsoorkii loo caban jiray ayaa maanta cabanaaya oo talo yey u cabanayaa ee igaya ka saraysa waaba waaxdii ka garnaqi jirtay kiis wal oo ka dhaca dalkee. Miyaanay maamulka gobolka iyo ka degmadaba ceeb ku ahayn inay maroorsadaan dhamaan awoodihii maamul ee kala duwanaa? Miyaanay Qaranka taabogalka ah nusqaan ku ahayn inay laamihii dawliga ahaa kala cawdaan oo saxaafada isu mariyeen cabashadooda? Miyaanay qaran-jab ahayn in la ixtiraamo waayo haayadii Garsoorka taa bedelkeedana laga haybadaysto dhalinyaro NGO samaysatay oo mashaariic raadis ah?. Waxa qurux badan inuu maamulka degmada Berbera iska caabinta iyo hebel riixida iska daayo oo uu la yimaado hab kan ka duwan waayo hubaal waa lagu jabaa kaligii xariifnimada iyo anaa cid walba ka sareeya oo rag kaligii talisnimo ku caan ahaa ayaa la ogaa wixii ku dhacay iyo halkay ku danbeeyeen RAGOOW KIBIRKA WAA LAGU JABAA EE KAA HALA OGAADO, waxaan u sheegayaa maamulka Gobolka inay waaxda cadaaladu ugu sarayso oo aanay jirin awood ka saraysaa balse tan maanta Berbera ka dhacday ay cadayn iyo maragba u tahay in awoodii gobolku cid gaara gacanta ugu jirto waliba sidii la doonana loogu amar taaglaynaayo, shacabaa gobolka ku noolow waxa laysku haystaa waa halkii aydun subax walba cadaalada iyo u xaqsooridiina u doonanataan maaha inaydun dusha ka daawataan ee waxa waajib ah inaad runta u kala sheegtaan oo cida awood maroorsida wada dawgiisa garansiisaan ceebta iyo dhagxumadana gobolka ka dhawrtaan, Ururka SOYCA na waxaan kula talin lahaa inaanay gobolka muran iyo buuq u horseedin oo aanay maamulka iska hor keenay ee ay nabada iyo xasiloonida muhiimad siiyaan halkan meel ka haboona raadsadaan iyagoo sumcadooda iyo ta ururkaba u tudhaaya. Maxamuud Axmed Baar-cad
 
CADAALAD CABATEY WAA CEYN IYO BEYD GO’ ———”——‘———————–‘———————————– Garsoorku waa Dhar-dhaar ka mid ah saddexda Dhar-dhaar ee Qarankeenu Ku fadhiyo, Hadii uu meesha ka baxona waxay ina geyansiin doontaa kala dhaqaaq iyo inaga oo meel aynu u cabano weyna taasina kalifto in aynu isku ceyn iyo beydba Goosanno oo nin walba gacantiisa ku fushado wuxuu Doono dulmiguna Qof Qof inoo taabto. GARSOORKU WUXUU KU DHISAN YAHAY AMAR OO ISAGU WAXBA MA CODSADO, hadii laga tegi waayo MAXKAMADDU, MAXKAMAD LA MID AH UNBEY WAX KA CODSATAA. Cabashada shaley ka soo yeedhey Garsoorka saaxil ee la fulin waayey AMARKA XAYIRAADA AH EE MAXKAMADDA RAFCAANKE GOBOLKA SAAXIL waa Guul- daro u soo hoyatey Shacabka iyo kala Danbeyntii MAAMUL EE HAYADAHA Gobolka Saaxil iyo sharaf dhac u soo hoyatey BAHDA GARSOORKA
 
Waddani ha ka taxadarro inuu ku tartamo jawi noocan ah: ~Golahii Wakiilada oo la xisbi xaakimeeyay loona kordhiyay muddada. ~UCID oo faysal loo xukumay. ~Lacagtii Komishanka oo 100%, xukuumad bixinayso. ~Wasiirka Maaliyada, Gudoomiyaha Max. Sare iyo Taliyaha ciidanka qaranka oo la hayb ah musharaxa Kulmiye. ~Guurtida oo Saleebaan Joogo. ~Beeshii caalamka oo gebi ahaanba kaalinteedii doorasha laga saaray. Haddii xaal sidaa noqdo, waana sida KULMIYE u fekerayo, doorasho maaha waa caleemo-saar, waxa Waddani u furan inuu qaadaco doorashadda.
Garyaqaan Siciid Maxamed Axmed
Siciid Geeljire
Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews