berberatoday.com
Fadeexad”Warqadihii Lagu Kala Saxeexday Iibka Badda Soomaaliya Oo La Helay (AKHRISO)
September 23, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday. com)-Waxaa isa soo taraaya cadeymaha muujinaaya kaalinta ay dowladii KMG aheyd ee Somalia ku laheyd Kiiska Badda Somalia muranka galiyay ee iminka horyaal Maxkamada ICJ.

Cadeymaha la helaayo ayaa muujinaaya in Dowladaha Somalia iyo Kenya ay April 7, 2009 kala saxiixday heshiis is faham ah, MOU-gan.

Heshiiska is afgaradka labada dal ayaa waxaa xiligaasi u kala saxiixay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdiraxmaan Cabdiashur oo hadda ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimo iyo Moses Wetang’ula oo xiligaasi ahaa Wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

badda-1

Heshiisyada ay labada dhinac kala saxiixdeen ayaa qeexaayay in Somalia iyo Kenya isla qaaten xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km).

Heshiiskaani oo ahaa mid ay inbadan Umadda Soomaaliyeed yareysteen ayaa waxa uu hadda Somalia u galay baal mugdi ah, iyadoo dowlada Somalia oo iminka kusoo baraarugtay qadiyadaani ay ku hadaaqeyso in Somalia ay ku guuleysan doonto dacwada ka furan Maxkamada ICJ.

Eedaha ugu badan ee la xiriira Muranka Badda Somalia ayaa waxaa dusha laga saaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashid oo horayna u ahaa Ra’isul wasaaraha xilka hayay wakhtigii la iibsanaayay Badda Somalia Iyo Wasiirka saxiixay oo ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, sida ku cad Warqadaha hoos yaalla.

cabdiraxmaan-cabdishakuur

Heshiiskii xiligaasi ay wada galeen labada dowladood ee dowlada Kenya loogu xalaaleeyay Badda ay waxaa kamid ahaa:

1- In Somalia iyo Kenya ay isla qaaten in la xadeyo cabbirka fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta (370km).

2- In si wada jir ah loo wada gudbiyo Guddiga xadeynta iyo in calaamado wada jir ah loo sameeyo Badda qeybaha uu muranka ka taagan yahay.

3- In xal waara loo helo dhul badeedka aan la cabirin ee u dhexeeya labada dal kaasi oo qeyb ka ah Biyaha kala beyra labada dal iyo qodobo dhowr ah oo aan inta lagu xariiqi karin.

Heshiisyada labada dal ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa inaan dib loo soo hadalqaadin muranka Badda xiligaas MOU-ga ee dib la isaga yimaado.

warqa1

warqa2

warqa3

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews