berberatoday.com
“Guurtidu Marka Ay Ugu Yar Yihiin Sanad Bay Kordhinaysaa, Weliba Sida Nux-nuxdu U Badan Tahay Labo Sano Ayey U Socotaa In Wakiillada Loo Kordhiyo”
September 23, 2016 - Written by Berbera Today

Xil. AXmed Gacan Oo Guurtida Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Muddada Ay Filayaan In Loo Kordhiyo Golaha Wakiillada Iyo Sida Loo Furmaadin KAro Saami-qeybsiga

xildhibaan-obsiiye

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(gacan)oo kamid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa ka dayriyey inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto horraanta sannadda soo socota iyo midda wakiillada oo madaxweynuhu soo jeediyey in dib loo dhigo, isagoo xukuumadda ku eedeeyey gaabis uu sheegay inuu ku jiro qaban qaabada doorashadaas. Xildhibaan Gacan oo warbaahinta la hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in doorasho wakhtigeedii ku dhacda dalka laga hirgeliyo, isagoo shacabkana farriin u diray,“Shacabka reer Somaliland waxan leeyahay ha moodina inay doorasho dhacayso, sababta ay tahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in dalka isbeddel ka dhaco kuma ay talo gelin, waayo afar ama shan goor bay caalamka kula heshiisay inay doorasho dhici doonto, laakiin wax run ahi kama jiraan.”ayuu yidhi xildhibaan Gacan. Mudane Gacan oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay muranka ka taagan arrinta saami-qaybsiga golaha wakiillada oo caqabad ku noqday doorashada xubnaha wakiillada, waxana uu sheegay inuu madaxweynuhu arrintaas qaybo tiri karo, waxana uu yidhi,“madaxweynaha maantu kursi dambe dooni maayo, haddii uu magac waara doonayana isagaa furdaamin kara Saami-qaybsiga, maantana halka uu saami-qaybsigu sii socdo markii hore ma uu taagnayn oo qolada reer Booramaa ugu badnayd oo nin ama laba nin noo kordhiya ayey yidhaahdeene ma intaasaa la samayn kari waayey.” Waxa uu xildhibaanku carrabka ku adkeeyey inay madaxweyaha ka go’an tahay inaan muddo kordhin dambe loo samaynin, balse cid kale su’aalo kale ka garab waddo,“madaxweynaha way kaga dheggen tahay maalin la iigu dari maayo oo midhkaas wuu qabsaday, laakiin wax aka badatay xaggeed u cararaysaa iyo xaggeed tegaysaa” ayuu yidhi xildhibaan Gacan. Axmed Muuse Obsiiye waxa uu si cad u sheegay inaan Baarlamaanka iyo wakiillada midkoodna diyaar u ahayn inay kuraasida banneeyaan, isagoo xusay inaanay jirin cid lexejeclo ka qabta waddanku, waxana uu yidhi,“Baarlamaanku inuu meesha sii fadhiyo ayuu doonayaa Guurtiduna inay meesha sii fadhido ayey doonaysaa, cid dadkan u danaynaysa oo dalkan u danaynaysa oo kursi fadhidaa maanta ma jirto qof waliba inuu kursigaas iska sii fadhiyo ayuu doonayaa laakiin cid doonaysa dalkaas uu ku abtirsadaa inuu wax noqdaa ma jirto.” Mudane Obsiiye waxa uu ka hadlay muddo-kordhinta la doonayo in dhawaan loo sameeyo xubnaha golaha wakiillada oo haatan kuraasida ku fadhiyo muddo 11-sano ah,“Guurtidu marka ay ugu yar yihiin sanad bay kordhinaysaa, weliba sida cad ee nux-nuxdu u badan tahay labo sano ayey u socotaa in wakiillada loo kordhiyo.” Ayuu yidhi xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews