berberatoday.com
MAYARKA GABILEY OO HORUMAR BALAADHAN KU TALAABSADAY MUDADII UU GOLAHA HOGAAMINAAYAY”QALINKII MAXAMED ISMAACIL CUMAR(BIID)
September 23, 2016 - Written by Berbera Today

MAAMULKA DAWLADA HOOSE EE DEGMADA GABILEY AYAA SUBAXNIMADII HORE SAAKA HAWLGAL BANEYN JID KA BILAABEY CIDHIFKA GALBEED EE MAGAALADA GABILEY.
JIDKAN OO KA MID AH JIDADKA HALBAWLAHA AH AYAA SIDA UU SHEEGEY GUD MAXAMED CUMAR CABDI AYAA AH JID KA BILAABMAYA EX GAROONKII HORE EE KUBADA CAGTA EE GABILEY ISLA MARKAANA NOQONAYA JIDKA TAGA GAROONKA CUSUB EE MAAMULKA DAWLADA HOOSE KA HIRGALIYEY DEEGAANKA SAAREY .
JIDKAN CABIRKIISU DHAN YAHAY SHAN BOQOL IYO SODON MITIR WAXAA LAGA TALAABINAYAA DOOXA LAAGBARAKO OO DHOWAAN LAGA DHISAYO BIRIISH DOOXA LAAGBARAKO IYADOO GAROONKAN LOOGU MAGA C DAREY ORODYAHANKA CAALAMIGA AH EE LAGU MAGSABO MAXAMED FARAX BALSE LOO YAQAAMO MO FARAH KAAS OO DHALASHO AHAAN KA SOO JEEDA DALKA JSL GAAR AHAAN DEGAANKA GABIILEY.
DHINACA KALE OLOLAHAN JIDKA LAGU BANAYNAYEY JIDKA GAROOMLA CUSUB EE MO FARAH AYAA WAXAA LAGU DUMIYEY DHAWR GIDAAR SI SHARCI DARO AH WADADA LOOGA DHEX DHISEY KUWAAS DHAMAANTOOD LA DUMIYEY IYADO CABIRKA JIDKA LA SHEEGEY INUU YAHAY MID BALAADHAN 12.40MITIR.
DHINACA BULSHADA REER GABILEY EE DHISMAYAASHA LA DUMIYEY ISKA LAHAA AYAA IYAGA LAFTOODU SI WEYN U SOO DHOWEEYEY DHISMAHA JIDKAN AY MAAMULKA DAWLADA HOOSE KA BILAWDEY MAGAALADA WAXAANEY SHEEGEEN IN KHASAARAHA KA SOO GAADHEY DUMISTA GIDAARADOODA AY KU ILAAWAYAAN BILICDA IYO DHIAHA JIDKA CUSUB OO AY SHEEGEEN INUU BILIC IYO QIIMOBA U SOO JIIDAY GURYAHOODA IYO MEHERADAHOOGA GANACSI EE MARKA HORE BILAA WADADA AHAA TAAS OO AY SHEEGEEN INAY MARKA HOREBA U BAAHNAAYEEN JIDKA ISLA MARKAANA AY DIYAAR U YIHIIN DHISMAHA JIDKA CUSUB INAY KARASHKIISA WIXII AWOODODA AH AY BIXINAYAAN SOONA DHOWEYNAYAAN .
WAXAA KALOO XUSID MUDAN IN MAAMULKA D..HOOSE GUD AMMIIN CUMAR IYO XOGHAYE C.RAXMAN NUR ABOKOR MARKA LAGA TAGO AY GOOBTA SHAADU KA SOCOTO AY KU WEHELIYEEN XUBNO FARO KU TIRIS AH WELIBA GUDIDA GOLAHA U QAABILSAN ARIMAHA DHULKA KUWAAS OO WAQTIGAA KU HAWLANAA GUDASHADA HAWLMAALMEEDKODA HALKA AANEY KA MUUQAN XUBNO KALE OO BERYAHAN DANBEBA U MUUQDEY INAY KU FASHOLMEEN GUDASHADA HAWLMAALMEEDKODII SHAQO IYO MASUULIYADII AY UMADII SOO DOORATEY U HAYEEN OO AHAYD U ADEEGISTA DANTA UMADA IYO DANYARTA REER GABILEY IYO ILAALINTA HANTIDA UMADA KIWAAS OO U MUUQDA INAY KA DOOR BIDEEN DANAHOODA GAARKA ISLA MARKAANA LA ARKO KALIYA MARKA GUNADA GOLAHA LA BIXINAAYO HALKA QAARKOODNA GIDAARADA DACAAYADO RAQIISA ULA FADHIYAAN WAX KA SHEEGA MASUULIYIINTA D.HOOSE EE UMADA U ADEEGEYSA.
GABAGABADII XOGHAYAHA D.HOOSE EE GABILEY AYAA ISNA DHINACIISA UGA MAHAD NAQEY GUUD AHAANBA BULSHADA REER GABILEY OO SHEEGEY INAY U FUDUDEEYEEN BANAYNTA JIDKAN QIIMAHA LEH OO UU SHEEGEY IN QAYBAHA BULSHADA EE KALENA KU DEYDAAN SI HORUMAR LOO GAADHSIIYO MAGALADA IYO BILICDA JIDADKA CASRIGA .

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews