berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Xabsiga U Taxaabay Askari Ilaalinaayey Keydka Raashinka Dawladda Hoose Oo Iska Hor Raagay Inuu Gudaha U Galo Iyo Askaarigii Oo Ilaa Jimcihii Hore Isagga U Xidhan
September 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hore waxa aynu u ogeyn Muuse Biixi iyo wixii kala qabsaday askarigii ilaalada Madaarka, waxa kale oo aynu oggeyn Muuse iyo wixii ay isla soo mareen taliyahii hore ee ciidanka Qaranka Somaliand Cismaan Dacas oo innoo sheegay in Muuse Biixi uu beertiisii ka qaaday.

Hargeysa(Xogreebnews)-Hore waxa aynu u ogeyn  Muuse Biixi iyo wixii kala qabsaday askarigii ilaalada Madaarka, waxa kale oo aynu oggeyn Muuse iyo wixii ay isla soo mareen taliyahii hore ee ciidanka Qaranka  Somaliand Cismaan Dacas oo innoo sheegay in Muuse Biixi uu beertiisii ka qaaday.
Maanta na waxa aynu u joognaa Maxamed Ibraahim Cilmi(Gonda-jare) oo ka mid ah ciidanka Booliska Somaliland oo maalintii 8aad saldhigga dhaxe ee Hargeysa ugu xidhan amar uu bixiyey guddoomiye Muuse Biixi xilli uu askarigaasi gudanaayey waajibaadkiisii shaqo ka dib cadho uu Muuse Biixi askariga oo  ka hor istaagay goob uu Waardiye ka yahay oo ay lee dahay dawladda Hoose ee Hargeysa oo lagu ilaaliyo gaadiidka iyo qalabka dhismaha waddooyinka Hargeysa oo uu doonaayey in uu gudaha hore u galo, maadaama aanu amar u haysan sii deynta Muuse sida oo kale na aanu garanayn qof ahaan.
Sida ay ilo xog-oggaal ahi ii xaqiijiyeen Muuse Biixi waxa uu markii ba ka xanaaqay askarigaas hor istaagay ee ka celiyey in uu gudaha hore u galo xerada uu ilaalinayey askarigu, tanna waxa ay sababtay in Muuse Biixi uu taliye Fadal amar ku siiyo  Maxamed Ibraahim Gonda-jare la soo xidho, sidaas ayaana muddo toddobaad ah uu hada ugu xidhan yahay saldhigga dhaxe ee Hargeysa.
Eheladdii iyo qaraabaddii askariga oo aan la soo kulmay waxa ay ii sheegeen in xafiis kasta oo dawladdeed oo ay tagaan ba uu u sheegaayey in ninkaas Askariga ahi uu u xidhan yahay Muuse Biixi amar la’aantii na aan la sii deyn karin.
Waar bi’ waayee miyeynaan “Hebel hebel buu u xidhan yahay” ku soo dhaafin dawladdii Siyaad Barre, mise Muuse wuxu muujinayaa ad-adkaanta iyo kali-talisnimadu ay qalbigiisa ugu weyn tahay.
Aheey ah, ardeydii Siyaad inta ay weli innoo talinayso guuli waa weli.!!.
Khadar Gureyte
Hargeysa/Somaliland
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews