berberatoday.com
“Dulmiga ,Tacadiga Iyo Kibirku Madaxnimo Maaha Ee Waa Cuqdad Xun Oo Qofka Ku Sifoobaa Aanu Ku Wanaagsanayn” Muj Cali Guray
September 24, 2016 - Written by Berbera Today

“Dulmiga iyo tacadiga iyo faaqa iyo kibirku madaxnimo maaha ee waa cuqdad xun oo qofka ku sifoobaa aanu ku wanaagsanayn in madax laga dhigto hadii uu noqdo waa la yaqaan nooca madaxnimadiisa oo waa kuwii dunida soo maray ee lagu hoogay. Askarigii isaga oon maxkamad la hor keenin ayaa marka uu Muuse cadho burburo la soo dayn oo iska tag la odhan”. Cali guray

Hargeysa(Berberatoday.com)-“BAGAANU IS LAHAYN BIYAAN QUBAY, Cajiib! Waa qiso runtii hadii ay u dhacday sida odayaashu u sheegeen naxdin iyo murugaba leh.

cali guray(10)

Askari waajibkiisi gutay oo xadhig ku mutaystay runtii waa wax laga xumaadaa waayo wuxu ku nabadgeli lahaa isaga oon gudanin waajibkiisa saw maaha? Musharaxa waxa la gudboonayd in halka uu xadhigga kala doontay inu la xidhiidho maamulka Dawladda Hoose ee amarka siiyay askariga oo la hadashiiyo Mayorka isaga ayaa la hadli lahaa cidda ka masuulka ah xarunta ama toosba u amri lahaa askariga eh.

 

Lakiin Muuse way ka suuroobi kartaa sidee buu inan yar oo askari ahi ii horjoogsan karaa aniga oo Muuse Biixi ah. Muuse ayaa looga fadhiyaa in arinkan uu xaqiijiyo ama waa eed culus hadii aanu qabin iska baraxo oo sidii ay wax u dhaceen dadka u sheego. Hadii uu ka aamuso markaa waa mafhuum sheekaduna waa ku sax sida ay odayadu u sheegeen.

 

Dulmiga iyo tacadiga iyo faaqa iyo kibirku madaxnimo maaha ee waa cuqdad xun oo qofka ku sifoobaa aanu ku wanaagsanayn in madax laga dhigto hadii uu noqdo waa la yaqaan nooca madaxnimadiisa oo waa kuwii dunida soo maray ee lagu hoogay. Askarigii isaga oon maxkamad la hor keenin ayaa marka uu Muuse cadho burburo la soo dayn oo iska tag la odhan isaga oon xataa raali ahow lagu odhan. Markaa hadii ay tani dhacdo run ah tahay ma sidaas ayuu weliba ku doonayaa in loo doorto Madaxwaynaha Somaliland? Haa in loogu doortona waa laga yaabaa ee miyaa la mahadin doonaa mise waa la eedi? Allahu yaclam”. ayuu yidhi

 

Gudoomiye ku xigeenkasaddexaad ee xisbiga Ucid  muj  Cali guray.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews