berberatoday.com
Xisbiga Wadani Iyo Waftigii Mareykanka Ka Socdey Maxay Ka Wada Hadleen ?
September 24, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa,(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo isna ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa khamiistii kulan la yeeshay wefti ay dawladda Maraykanku u soo dirtay magaalada Hargeysa.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Cirro iyo Jirde, waxa ay weftigan oo ka koobnaa laba xubnood la yeesheen kulan saacad qaatay, waxaanay ka wada hadleen xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho, dibna ugu dhigay doorashadii golaha wakiilada.

Waxa ay masuuliyiintan reer Waddani u cadeeyeen weftiga Maraykanka ah in Madaxweyne Siilaanyo laga sugayay inuu go’aan ka gaadho saami qaybsiga laakiin aan marna laga sugayn in saami qaybsiga uu ku xaliyo muddo kordhinta oo aan dan u ahayn Somaliland, iyagoo sheegay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin in labada doorasho la wad qabto March 2017.

Cabdiraxmaan iyo Cabdiqaadir, ayaa sida uu warku sheegay waxay dawladda Maraykanka uga mahadceliyeen doorka dhaqaale ee ay ka qaadato nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, iyagoo ka dalbaday inay sii kordhiyaan taageerada ay siiyaan Somaliland.

Sidoo kale, waxa ay Cirro iyo Jirde iyo weftigan Maraykanka ahi iska xaal waraysteen xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somaliland oo sida warku sheegay ay si mug leh u faaqideen.

 

 

Berberatoda.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews