berberatoday.com
Shaqaalihii Ugu Tirada Badnaa Oo Ka Dareeray Mid Ka Mida Tvyada Waawayn Ee Soomaalida Xafiiskii Uu Ku Lahaa Hargeysa + Maxaa Sababay?
September 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(BGM) Mid ka mid ah Tvyada Somalida ee ka hawl gudaha Somaliland isla markaana ka mid ah tvyada xafiisyada ug waawayn ku leh magaalada Hargeysa ayaa waxa maanta gabi ahaanba ka dareeray shaqaale hawnahii kala duwanaa ee mudoooyinkii ugu danbeeyey ka shaqaynaayay Telefishankaasi.

Telefishanka oo lagu magacaabo Kalsan Tv shaqaalaha sida rasmiga ah uga tagay maanta waxa ay tiradoodu dhan tahay Shan saxafi oo ka hawl galaayey gudaha Caasimada Hargeysa.

2

Saxafiiyintani ayaan sheegin sababta ay iskaga casileen hal mar shaqadii ay ka hayeen telefishankan hase yeeshee mid ka mid ah Shaqaalahaasi oo warbaahinta wax ka waydiisay sababta ka danbaysay in hal mar ay shaqada ka tagaan ayaa sheegay in ay todobaadyadii ugu danbeeyey Tvga Soo food saartey Maamul xumo dhinaca Madaxda Somaliland gacanta ku haysa ah taasi oo sababtay waa sida uu noo sheegaye in ay shaqaalaha isla fahmi waayaan hawl maalmeedkii shaqo ee Telefishanka.

Dhanka kale Saxafigani ka mid ahaa shaqaalaha iska casiley ayaa sheegay in qaar ka mid ah hawl wadeenada Gobolada Somaliland ay si rasmi ah uga tagi doonaan shaqada tvga Kalsan Tv saacadaha iyo maalmaha soo socda ugu dhawaaqayaan in ay ka tageen Kalsan Telefishan,

Dhacdadan ay shaqaalaha tiradani leeg ay ugaga dareereen ayaa waxa ay keenaysaa hoos u dhac dhinaca sumcada ah iyo sidoo kale in uu meesha ka baxo xafiiskii dhexe ee telefishanka ku lahaa Somaliland.

 

 

 

Xigasho Baligubadlemadia.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews