berberatoday.com
Go’aankii Shalay ee Maxkamadda, iyo Doc-ka-faruurka Go’doomiye Faysal Cali Waraabe
September 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

MohamedHaaruun

Go’aankii shalay maxkamaddu gaadhay, isla shalay ba waxa buriyay Go’doomiye Faysal oo tafsiirkiisa goonida ah saaray qodob go’aanka Maxkamadda tiir-dhexaad u ah. Maxkamaddu waxa ay sheegtay in guddi wada jir ah oo farsamo ay shirwaynaha xisbiga qabatto, gudigaas na ay ka sii dambeeyaan hogaanka xisbigu, kuwaas oo go’amada kama dambaysta ah iska leh. Dhinacca aqlabaiyadda xisbigu go’aankii shalay waa ay taageereen sida media ha ba laga daawaday, laakiin tii wax baa soo daba maray. Go’doomiye Faysal waxa uu sheegay in aanu jirin hogaan xisbi oo an isaga ahayni, cidda gudiga farsamada shaqadeeda hagaysaa na ay isaga oo keliya tahay. Waxa uu u malaynayaa in uu keligii shir qabanaayo, cidda uu isagu doono oo keliyi na ay shirkaas ka soo xaadirayso, isla markaana, shirkaas si kama dambays ah loogu burinaayo heshiiskii 2012 ee musharixiintu ku timid, si isaga musharax waraabe u tag ah loogu cumaamado. Waa si loo hir geliyo qorshihii uu meesha madow ku soo galay, ee September 2015 kii uu shakhsiyan iigu sheegay. Maalintii uu warkaas ii daldalaayay, hal su’aal oo keliya ayaa aan waydiiyay, waxa aanan ku idhi, ma nasteex baa aad moodaysaa nimankan aad ii tirinayso ee waxan kugu yidhi? Su’aashaas ma iiga jawaabin, amaba jawaab baanu haynin. Miskiin iga dheh!

Al-muhim, waxa aanu ogayn, amaba sida muuqata, uu is moogaysiinayaa, saddex amuurood oo isku xidhan: 1. In go’aanka Maxkamaddan iyo tii ka horaysay ba isku raceen hirgelinta heshiiskii 2012 ee hore na Golaha dhexe u ansixiyay. 2. In shirwaynaha aan caadiga ahayn loo qabanaayo hal ujeedo oo keliya, taas oo ah meel-marinta heshiiskaas 2012, oo qodobadiisii ay ka mid noqdeen qaab-dhismeedka xisbiga iyo xeerarkiisa ba, laga soo bilaabo kal-fadhigii October 2012 ee Golaha dhexe. 3. In heshiiskaasi laba qodob oo kala duwan ku qeexaayay cidda musharaxiinta xisbiga ka ah, iyo cidda Gudoomiyaha xisbiga ah, Hadiiba ay dhacdo (maba dhici kartee) in shirwaynuhu heshiiskaas oo isku duuban diido na, aanay taasi musharaxa oo kaleiya meesha ka saaraynin, oo isaga laftiisa na la waayi doono. Geed qudhaanjo leh baa uu isku garaacayaa. Isku soo wada duub, kol Hadii go’aankii Maxkamadda oo saacado keliya uun jiray u ku dhawaaqay tafsiir qaldan oo isagu uu ka qabo qodob aasaas u ah go’aankii shalay, wwaxa muhiim ah in ay aqlabaiyadda xisbigu ka fadhiistaan waxa ay ka yeelayaan. In tiisa qaladka ah loo raacco oo shirkii la iska qabto, iyo in talo kale laga gaadho waa khasab.

Ninkan waxa la dhacsiin kari la’yahay, waar xubnaha hogaanka xisbiga ah, ee Golaha dhexe ansixiyay, adigu waxba ma ka bedeli kartid ilaa shirwaynaha loo balamay yimaadddo. Taasi yaab ma laha kolka la eego xaqiiqada ah in aanu xeerka xisbiga iyo mid kale toona abidkii akhriyin. Anigaa awood la ii siiyay oo kala eryi kara uun baa uu la soo taaganyahay. Plastic face aanay waxba maraynin, hadda waxbaba, ayaa uu soo xidhay. Diin, dhaqan, xeer xisbi, mid wadan, heshiis iyo wacad midnaba waxba ma la aha. Isaga oo sidaas ah, oo dhab u og in uu khiyaamadii qarniga oo la wada arkaayo ku hawlanyahay, ayaa uu shalay yidhi, “Tawxiidka ayaa aanu ku badbaadnaa mar kastaba”. Taloow yaa waxaas dhegaysanaaya ayaa uu is leeyahay fikirkiisa? Waxa uu u malaynayaa in xisbiga loo soo maal geliyay, loo soo saaray, dabeeto uu odhanaayo halkaas banaanka iska fadhfadhiista aan kitaabka idiin eego in xisbigu idin aqbalo iyo in kkale, dabeeto ay waxaasi meel-mar u noqonayaan. Alla yaraa inta uu rag iyo rabi ka yaqaanaa shaw! Waxa uu Xisbigii ka dhigay qol madhan, oo qof keliyi dhex joogo. Isaga iyo ciyaal yaryar oo uu soo urursaday ayaa hadba maxkamad soo taagan. UCID tagoogaha siday uga jabtay, ayay weli u taalaa. Dadwaynoow runtu waa tas, waana tubantahay, waana teenii, oo looma kala tago.

-Salaan dheer nin fuulaba, walee siibashaa xigiye.

-Sin-saaro waw halis, nimay rag isa seegeen! Axmed I Diiriye )Qaasim)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews