berberatoday.com
Akhriso Gumaysiga Somalida Itoobiya Tigraygu Kuhayo”Qalinkii Abdulahi Nur Colombo
September 27, 2016 - Written by Berbera Today

Nin ganacsade ah oo degan Degmada Tog wajaale oo saaxiibkay ah ayaan weydiiyey horamarka la sheego inuu ka jiro Magaalada Jig jiga ma waxbaa ka jira? markaasuu iigu jawaabey horumar aan buurneyn wuu jiraa marka la eego siduu ahaan jirey gobolku laakiin marka aad u fiirsato waxaa yaab leh meelaha muhiimka ah sida Wakaalada korontada, kastamka Canshuuraha, Bangiga iyo Wakaalada Biyaha waxaa ka mamnuuc ah in dadkii dhulka lahaa ee u dhashay ee Soomaaliyeed qof ka mid ahi uu masuul ka noqdo ama ka shaqeeyo.

Isagoo ninkaa saaxibkey ah hadalkiisa sii wata waxuu yiri waxaan tegey Maxkamada Magaalada Jig Jiga dhawr jeer waxaana ku booqanayey nin saaxiibkay ah oo ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ka amar qaata Daba dhilif Cabdi Ileey ee Liyuu Boolisku soo xireen dabeedna waxaan la kulmay nin ganacsade reer jig jiga ah weliba kuwooda ugu tunka weyn ee dhaqaalaha leh waxaan markaa weydiiyey wax uu u joogo maxkamada iyo in meesha Cadaaladi taalo?

Dabeedna wuxuu iigu jawaabey waxaan ahaa ganacsade dhoofiya Ariga waxaa mar dhacday inaan ku dejiyey dhaam ama dooxa ku dhow garoonka diyaaradaha ee jig jiga Arigaas oo aan ugu talo galay Carafada in aan ka dhoofiyo Dalka Jabuuti deetana waxaa ii yimi Nin Itoobiyaan Tigree ah oo haysta ama madax ka ah Kastamka markaasuu waxuu igu yiri Ariga iga iibi waxaan ku iri waan kaa ibinayaa ee soo dhawoow wuxuu igu baayacay Lacag dhan 34 Dolar ana waxaan ku iri qiimahaasi iguma joogee ariga ee 64 dolar iga siiso dabeedna wuuba caroodey ama xanaaqay ka dibna waa uu iska dhaqaaqay markaasaa cabaar ka dib waxaa ii yimi askar waxaana Arigii lagu xereeyey kastamka waxaana la iigu yiri arigu ma canshuurna dabeedna waxaan keenay waraaqihii la iiga Canshuurey ka dibna beri soo laabo misana maalin kale soo laabo sidii la iigu hayey ayaa markii dambe anigoon waxba la iiga weeydiin waxaa la ii sheegay in Arigaygii la xaraashay oo calaa neefkiiba 20 Dolar laga bixiyey.

Marka sidaas ayaan Maxkamada ku imi ayuu yiri ninkaa soomaaliyeed ee ganacsadaha ee xoolahiisa laga dhacay waxaana intaa uu ii raaciyey in Arigiisii in uu rartay Ninkii Tigreega ahaa cid wax iiga qaban kartaana waan waayey nin Tigre qeyrkey ah oo awood isku haleynaya ayaa xoolaheygii dhacey ciil baana la ooyi gaarey aniga ka sakowna sidaas ayaa gumeysiga Itoobiya askartooda ay u boobaan una laayaan ama u dilaan dadka soomaalida ah ee dhulkoodii xooga looga heysto raali ayuuna uga yahay ficiladaa xun kamana hadli karo Cabdi Ileey oo ah daba dhilif u shaqeeya Tigeraga meesha keensaday..

Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Huruuse Ibnu Yuusuf.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews