berberatoday.com
Dhacdooyinka Layaabka Lahaa Ee Ku Lammaanaa Doorashadii Madaxtooyada Somaliland Iyo Xiisaha Ficillada Muwaadin-nimo Ee Saacadihii Cod-bixinta
November 16, 2017 - Written by Berbera Today

Guul…Guul…Guul…Guul Doorashadii Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa(Berberatoday.com)-Goob-joogeyaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxaliga ahaa ee kormeerayey doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee guud ahaan dalka ka qabsoontay 13-kii bisha Noofambar ee sanadkan 2017, ayaa waxay qireen in doorashadu u dhacday si wanaagsan oo aan dhaliil iyo turxaan la xuso lahayn, halka Guddiga Doorashooyinka Qarankuna caddeeyeen in doorashadu u dhacday sidii Qorshuhu ahaa.

warka koowaad 3Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ay ku tartamayeen saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, WADDANI, UCID oo Xisbi kastaa uu laba Murrashax u soo kala sharraxay jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, kuwaasi oo kala ahaa Xisbiga Kulmiye Murrashaxa Jagada Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, jagada Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), halka Xisbiga Waddani uu u soo sharraxay jagada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Jagada Madaxweyne ku xigeenka Prof. Maxamed Cali Cabdi, iyo Xisbiga UCID oo isna u soo sharraxay jagada Madaxweynaha Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Jagada Madaxweyne ku xigeenka Prof Axmed Cabdi Muuse (Abyan), ayaa Cid kasta oo danaynaysaa bogaadisay siday u qabsoontay ee ay Shacabka reer Somaliland codkooda uga dhiibteen.

Komishanka Doorashooyinka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Dalka ka hirgeliyey Doorashadan isla-markaana ku mashquulsan Tirinta Codadkii laga dhiibtay si ay u soo saaraan Natiijadeeda, ayaa ka dareen-celiyey siday u dhacdo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Maalintii la soo gebogabeeyay Cod-bixinta Doorashada ka hadlay ayaa yidhi “Doorashada kamay dhicin wax waaweyn oo la buunbuuniyo, Baabuur Dhiidhi naga gashay iyo Askar Rasaas ka qaraxday oo dhaawac ka soo gaadhay Guddoomiye Goob (Cod-bixineed) oo Gobolka Togdheer ahayd, waxaasi wax la buun-buuniyo maaha, Mahaddana ILAAHAY baynu u naqanaynaa.”

Xisbiyada Qaranka

Xisbiyada Qaranka Somaliland ee Doorashada Madaxtooyada ku tartamay ayaa soo dhaweeyay sida Doorashadu u dhacday.

“Dhammaan shacabka reer Somaliland waxay qayb wanaagsan ka qaateen sidii ay u suurtogalin lahaayeen inay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah, waxay muujiyeen bisayl aad u sarreeya iyagoo ku soo gabogabeeyey inay safafka u galeen iyagoo nidaamka ilaalinaya oo qofna qof aannu riixayn oo si wanaagsan u codeeyey.” Ayuu yidhi, Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Xasan-gaafaadhi oo Shalay Saxaafadda kula hadlay ayaa Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo isaguna Shalay ka hadlay sida Doorashadu u dhacday ayaa yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Shacabka Somaliland oo Dhabar-adaygay hawshaa, oo si wanaagsan oo Mugle Codkooda u dhiibtay, waxa kale oo aanu Mahad-naqaynaa Taageerayaasha WADDANI.”

Sidaasi oo kale, ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID uu Shacabka ugu hambalyeeyay sida Wanaagsan ee ay Doorashada ugu soo baxeen.

Xukuumadda

Wasiirka arrimaha dibada JSL Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Qaabka Doorashadaasi u dhacday ka Tarjumayso In Shacabka Somaliland u bislaaday nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku dhaqanto, waxaanu baaq u diray Beesha Caalamka.

Isaga oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan halkan uga Mahad-celinayaa Taageerayaasha Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan Dadkii Codkooda bixiyey, sidii wanaagsanayd ee ay u soo baxeen, Nidaamka u ilaaliyeen ee ay Codkooda u dhiibteen. Waxaan xusayaa Komishanka Doorashooyinka, Ciidammada Amniga, taageerayaasha Asxaabta, Madaxda Axsaabta, Maamullada Degmooyinka iyo Gobollada, sidii wanaagsanayd ee Mid walba uga soo baxay Xillkiisii. Waxa iyaguna xusid mudan Goob-joogeyaasha Caalamka oo tagey Lixda Gobolba, si ay Markhaati uga noqdaan Geeddi-socodka iyo Nidaamka Doorashada.”

Waddamada Deriska ah

Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxay soo jiidatay isla-markaana bogaadiyey Dawladaha la jaarka ah, sida Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ugu horreyn, Safiirka Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti u jooga Hargeysa Xuseen Cumar Kawaaliye oo kormeeray Goobaha Cod-bixinta ka dhacday Isniintii, ayaa ammaanay  nidaamka Dadku Codadkooda uga dhiibteen doorashada, “Anigoo ah Safiirka Dawladda Jabuuti u mattalaya Somaliland, waxaanu kormeermay Goobaha Cod-bixintu ka dhacday ee Magaalada Hargeysa, waxa ka dhacday Doorashada Madaxtooyada oo ay ku loolamayaan Saddex Musharrax” ayuu yidhi Safiirka oo u warramay Telefiishanka Star, waxaanu intaa ku daray “Kormeerka aanu ku soo samaynay Goobaha Doorashada, waxaanu ku soo Aragnay Dad si wanaagsan u Codaynaya, Bislaaday, wax dhibaato ah oo jirtayna maan Arag.”

Golaha wasiirrada Federaalka Soomaaliya oo doraad shir gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, ayaa Dadka reer Somaliland ugu hambalyeeyay doorashada Madaxtooyada ee sida nabad gelyada ah u qabsoontay.

Shirka Golaha Wasiirrada waxa ay dhageysteen warbixin la xidhiidha doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo Ololahii ka horreeyay, ka dib waxay Golaha Wasiirradu  aad u ammaaneen isla-markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimuqraadiyad ah u dhacay oo xattaa ka fiican waddamada reer galbeedka qaarkood. Waxayna Golaha Wasiirrada Soomaaliya ku taliyeen in Xisbiyada Qaranka Somaliland ay sugaan Natiijada rasmiga ah ee Komiishanku

Goob-joogeyaasha Caalamiga ah

Goob-joogeyaal Caalami ah oo tiradoodu ahayd lixdan Xubnood isla-markaana ka kala socday Dalal ka badan 20, ayaa ka hadlay siday u dhacday Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 13-kii bishan November, 2017-ka.

Dr. Michael Walls oo ka tirsan qaybta horumarinta ee Jaamacadda UCL, ahaana Madaxii Goob-joogeyaasha Caalamiga ah ee ka socday Dalalka ka badan labaatanka oo ka hadlayey kulan ay War-bixintooda ku soo bandhigeen ayaa yidhi “Maalintii doorashada waxa aanu aad ugu faraxsanahay in aanu u soo taagnayn doorasho guud ahaan koobsatay habkii loo marayay Doorashooyinka. Anaga oo ogsoon inay jiraan wallaacyo aan la yaraysan Karin, haddana kuwaasi maaha qaar wax u dhimaya geeddi socodkii guud ee doorashada, isla maraana waxa aanu Somaliland ugu hambalyaynaynaa guud ahaan habka nabadgalyada ah ee ay doorashadu  u dhacday. Waa tallaabo hore loogu qaaday dhanka kacaanka doorashooyinka.”

Goob-joogeyaal Maxali ah

Goob-joogeyaasha Maxaliga ah oo iyaguna War-bixin ka soo saaray sidii ay u dhacday Doorashadu ayaa sheegay “Goob-joogeyaashu waxay soo weriyeen inay doorashadu ku bilaabantay si nabadgelyo ah, iyadoo ku socotay jawi xasiloon, goobuhuna ay furmeen 90% wakhtigii loo asteeyey. Goob joogeyaasha SONSAF ee Maxaliga ahi waxa kale oo ay qireen in goobuhu dhammaan si nabadgelyo ah u soo xidhmeen, iyo in qalabkii loo adeegsanayey doorashada si habsami ah u gaadheen goobaha cod bixinta.” Ayaa lagu sheegay War-bixin ay soo saartay Hay’adda SONSAF oo ay Mattalayeen Goob-joogeyaasha Maxaliga ahi

Dhacdooyinkii ku Lammaanaa Doorashada

Dhanka kale,  Doorashada Madaxtooyada oo ay Codkooda ka dhiibanayeen Dad Tiradoodu ka badan tahay 7 Boqol oo Qof isla-markaana ka qabsoontay 1,642 Goobood oo Dalka oo dhan ah, ayaa waxa ku lammaanaa dhacdooyin Xiiso leh, kuwaasi oo Tilmaan u ahaa waxyaabo badan oo Doorashadani kaga duwanayd kuwii hore ee Dalka ka qabsoomay.

Dhacdooyinkan oo sawir qurux badan ka bixinaya Doorashada Madaxtooyada ee weli Natiijadeeda la sugayo, ayaa Wargeyska Himilo uu qaarkood diirradda saarayaa, maaddaama oo ay muujinayeen sida Shacabka Somaliland ugu bislaadeen ku dhaqanka Nidaamka Dimuqraadiga ah ee saamaxay in Xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID ay si daah-furan ugu tartamaan Kursiga Dalka ugu sarreeya.

Dhacdooyinka Xiisaha leh ee Maalintii Doorashadu dhacaysay Dadweynaha qaarkood ku kaceen waxa ka mid ah, in Cod-bixiyeyaal u badan Dumar aanay seexanin Habeenkii ka horreysay Doorashada isla-markaana ay qaarkood ay Goobaha Cod-bixinta tageen Saddexdii illaa Afartii Habeenimo, halka qaarkoodna ay iska Xil-saareen Ciidammadii sugayey amniga Goobigii Cod-bixinta oo ay Qureec uga soo qaadeen Guryahooda.

Mustafe oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool Magaalada Hargeysa, kana mid ah Cod-bixiyeyaasha soo jeeday Habeenkii ka horreeyay Doorashada, ayaa Wargeyska Himilo uga warramay arrin soo jiidatay oo uu la kulmay Habeenkaa ka horreysay Doorashada Madaxtooyada ee Isniintii dhacday, waxaanu yidhi “Anigu Habeenkii Doorashada ka horreysay Maan Seexan. Anigoo Afartii Habeennimo u diyaar-garoobaya Codaynta Doorashada, ayaa waxa Waddada igaga soo hor-baxay Laba Dumar ah, Maaddaama oo aan marayey meel Madow, way iga baqeen oo way istaageen, laakiin Aniga ayaa ku idhi iska soo socda. Markaasi ka dib, ayay igu yidhaahdeen ‘Walaaal noo tilmaan Waddada (loo marayo Goobta Cod-bixinta), marka ay ila hadlayaan waxay sitaan Falaas Shaaha ah iyo waxaan u malleeyay Buskud. Markaas ayaan waydiiyey oo aan ku idhi ‘ma Qureecdiinii-baad sidataanba’?, markaasay yidhaahdeen ‘Maya, ee waxaanu u sidnaa Askarta ilaalinaysa Goobta aanu ku codaynayno..”

Mustafe oo inooga warramaya  sheekadii dhex martay isaga iyo Haweenkaa Jibbada Doorashadu soo kicisay Saqda-dhexe ayaa sheegay “Waxaan waydiiyey Dumarka oo laba ahaa ‘Xaafaddeed ka timaaddeen ? waxay igu yidhaahdeen ‘waxaanu ka soo lugaynay Xaafadda 150-ka,’ halka aanu markaa joognaana waa Xero-Awr qaybta Koonfureed, markaas ayaan u kexeeyay Goobtii ay ku socdeen ee ay ka codayn lahaayeen, markaas ayaanu tagnay meeshii laga codaynayey oo xidhan, laakiin aad dibedda uun ka arkayso Laydhka Gudaha ka shidan. Markaas ayaan ka tagi kari waayay, maaddaama oo ay Afartii Habeenimo ahayd oo la dhibaatayn karo Dumarka..’ markaas ayaan ku garaacay Qofkii ilaalinayey Agabka Doorashada ee dhex hurday Goobta, markaas ayaan u waydiiyey sababta ay u furi waayeen Goobta, waxaanu ii sheegay in aanay dhawayn Xilligii la furayey (ilayn waa Afartiiye). Markii aan ka soo noqday waxa iga hor-imanayey Dad Dumar u badan.”

Arrimaha kale ee Layaabka leh isla-markaana aadka u qurxiyey Doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa ka ka mid ahaa in intii lagu jiray Cod-bixinta Doorashada Magooyinka Dalka qaarkood la arkayey Muwaadiniin si Muttadawacnimo ah Dadweynaha ku jira Safafka Cod-bixinta u qaybinaya Biyo Moor ah oo la qaboojiyey iyo kuwo aan la qaboojin, halka Ciidammadii kala duwanaa ee ilaalinayey Goobaha Cod-bixinta loo keenayey Cunto ay Cunaan, gaar ahaan Xilligii qadada, iyadoo marmarka qaarkoodna Askarta Goobaha Cod-bixinta ilaalinayey ay dhowr Qof oo aan is ogeyni ay Cunto iyo Cabbitaan u keenayeen.

Dhacdooyinka kale ee Xiisaha leh ee Doorashadani kuwii ka horreeyay kaga duwanayd ayaa waxa ka mid ah in Magaalooyinka Dalka qaarkood ay Goobaha Cod-bixinta ku sii Calaamadsadeen dhagaxaan Fiidnimadii hore ee habeenkii ka horreeyay Subaxa Cod-bixinta loo dareeray.

Magaalooyinka ay Dadweynuhu Dhagaxaan si Safaf ah u hor-dhigteen Goobaha Cod-bixinta waxa ka mid ah Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, sida ay muujinayaan Sawirro laga soo qaaday Habeenkii ka horreeyay Subaxdii Isniinta Toddobaadkan ee Doorashada Madaxtooyada loo dareeray.

Sidoo kale, Magaalooyin Hargeysa ka mid tahay ayaa la arkayey Dhallinyaro isku waaninaya ilaalinta amniga Maalintii Doorashada isla-markaana meelaha qaarkood Dadka aan soo Qureecan u qaybinaya Timir (Nooca Kiiloo kiilooga u xidhan) “Waxaan arkayey Mid ka mid ah Dhallinyarada ah oo Qof uu Timid siinayey waydiinaya Xisbiga uu u codaynayo, oo Dhallinyaradii la socotay ku leeyihiin Qofna ha waydiin Xisbiga uu taageersan yahay..” ayuu yidhi Qof la hadlay Wargeyska Himilo oo dhacdooyinkan qaar Goob-joog u ahaa.

Ugu dambayn, Dhacdooyinkan oo dhammaantood muujinaya sida Shacabka Somaliland ugu midoobay in Doorashada Madaxtooyadu si wanaagsan ugu qabsoonto, ayaa ahaa dhacdooyin aan la filan karaynin, marka loo eego sidii Taageerayaasha Xisbiyada Qaranku u kala fogaadeen 21-kii Maalmood ee lagu jiray Ololihii Doorashada, taasi oo gaadhay in Culimada Dalka qaarkood ay Komiishanka Doorashooyinka kula taliyaan inuu joojiyo guud ahaanba Ololaha Doorashada.

Gunnaanad                                                                                                                         Ugu dambayntii, Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada JSL ee 13kii bishan Noofambar ee 2017, ayaa noqonaysa Guul Qaran oo u soo hoyatay Dadka iyo Dalka Somaliland, iyadoo uu adduunweynuhu si weyn indhaha ugu hayey kadibna ay u riyaaqeen sida ay u qabsoontay, waxaana xusid mudan sida dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin Gobol, Degmo iyo Tuulo ba ay ugu soo diyaargaroobeen uguna soo baxeen ee ay uga qayb qaateen cod bixinta iyo sugida amniga doorashada Madaxtooyada ee ay u naftooda ugu hureen cod bixinta, iyagoo maalintii doorashada iskood isaga fasaxay shaqooyinkoodii oo albaabada u xidhay guud ahaan ganacsiyadii kala duwanaa ee ay ku hawlanaan jireen mid yar iyo mid weyn ba, taasi oo aanay cidina ku amrin kana codsan, sidaasi awgeed ayaa dareenka dadweynuhu ku waajaheen maalintii doorashada Madaxtooyada uu mar kale xujo ku noqanayaa Murrashaxii ku guuleysta inuu ugu adeego si daacadnimo iyo caddaalad ku sallaysan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews