berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Haweenka Deegaanka Dararwayne Oo Gacmaha Is Qabsadey Baaq-na U Diray Ragooda Colaadu Kadhex Aloosantahay
February 3, 2018 - Written by Berbera Today

Dararweyne(Berberatoday.com)-Haweenka degmada Dararweyne ee degmada Ceelafweyn oo gobolka Sanaag ka tirsan ayaa isu soo bax nabadeed sameeyay. Haweenka ayaa ka kooban laba beelood oo halkaasi muddo dheer ku dagaallamayay waxaanay sheegeen in tallaabadani bilaw u tahay daminta colaadda loo maaro waayay ee halkaasi ka taaggan. Dumarka ayaa Alle ka baryaya in ay ku guulaystaan tallaabadan ay markii u horaysay qaadeen maaddaama intii hore dhexdhexaadintu ka imanaysay meelo kale.

Carruur aad u yaryar oo telefishannada ka hadlay ayaa codsaday in aabayaashood iyo abtiyaashood heshiiyaan oo gacmaha is qabsadaan. Carruurta ayaa codsanaya in aabayaashood ka soo baxaan duurka ay isugu jiraan iyaga oo ehel ah, islamarkaana degaan wadaag ah.

Dumarka saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in wada hadalladii hore ee labada dhinac lagu gali jiray degmada Ceelafweyn laakiin, ay hadda doonayaan in ciddii garta galaysa timaaddo degaanka Dararweyne oo xudun u ah dhacdooyinka mar walba nabadda doc faruura. Waxay sheegeen in ay hoggaaminayaan dadaalka nabadda.

Saraakiisha ciidamada ee kala dhex jooga labada beelood ayaa sheegay in tallaabadani tahay mid lagu farxo oo aad uga duwan dhacdooyin bulshada Somaliland aad uga nixin jiray oo lagu bartay degaammadan, waxay si weyn u ammaaneen dadaalka haweenku bilaabay ee dhinaca nabadda ah.

Maamulka Degaanka ayaa madaxweynaha Somaliland iyo cid walba oo danaynaysa nabadaynta beelaha reer Dararweyne u soo jeediyay in la barbar istaago dadaalka ay bilaabeen haweenka oo ah mid aanay cid kale abaabulin laakiin, ah nabadayn gunta ka soo bilaamatay oo la isku hallayn karo. Haweenka ka soo kala jeeda labada beelood ayaa bandhig sameeyay loo arko mid ku dayasho mudan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews