berberatoday.com
Madaxweyne Biixi Oo Dhaqangeliyey Miisaaniyad Sanadeedka 2018, Iyo Go’aamo Cusub Oo Ay Soo Saareen Golaha Wasiirada
April 14, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray wareegto uu ku dhaqangeliyey miisaaniyad sanadeedka 2018, oo noqonaysa miisaaniyadii u horreysay ee ay ku shaqayso xukuumaddani, sidoo kalena golaha wasiirada Somaliland ayaa shirkoodii maanta ka soo saaray go’aan ka kooban saddex qodob.

Haddaba, wararkaasi oo nuqulo ka mid ah uu helay Wargeyska Himilo ayaa waxay u dhignaayeen sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-078/42018 ku dhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-36/789/2018, ee ku taariikheysan 09/04/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2018-ka;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Dawladaha Hoose, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha Hoose (JPLG).

Dhinaca kalena, Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Yeeshay Kal-Fadhigii Siddeedaad Iyo Saddex Qodob Oo Ka Soo Baxay

Kal-fadhigii siddeedaad (8aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12.04.2018, ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Shirkaasina waxa lagaga dooday qodobbo ay ka mid ahaayeen amniga, maalinta qaran ee loo asteeyey dhiraynta Somaliland iyo arrimaha maamul daadejinta gobolada iyo degmooyinka.

Dood-dheer ka dib waxa shirka ka soo baxay saddex qodob oo muhiim ah:

  1. In la xakameeyo isla markaana xal-waara laga gaadho xurgufaha iyo aannooyinka soo noq-noqda ee beelaha qaarkood dhex mara, iyadoo loo marayo nidaamka dawladnimo
  2. In la xoojiyo mudnaantana la siiyo sidii loo horumarin lahaa muhiimada ay leedahay maamul daadejinta gobollada iyo degmooyinka dalka oo ah mid ahmiyad weyn u leh dhismaha qaranka.
  3. In loo diyaar garoobo maalinta dhiraynta Somaliland ee 15-April oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wareegto ku muddeeyey, loogana qayb-qaato si mug leh shacbi iyo xukuumadba maalintaasi oo ku beegan Axada fooda inagu soo haysa.

 

Allaa Mahad leh

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews