Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Dad Ka Cawday Dhismaha Gurigiisa
April 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Dadka danyarta ah ee hareeraha ka degan Guriga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu ku leeyahay Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa ayaa barqonimadii shalay waxa ay dhagaxaan la boobeen Gurigiisa,waxaana rasaas dadkaasi danyarta ah ugu jawaabay illaaladiisa iyagoo dadkaasi qaar ka mid ah Xabsiga u taxaabay.