berberatoday.com
“Wasaarad Dad Iyo Qalaba Buuxda Ayaan Ka Tagay Oo Magac Iyo Haybad Leh”Wasiir Cadaanigii Hore Ee Warfaafinta
April 15, 2018 - Written by Berbera Today

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadii Axmed Maxamed Siilaanyo, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in wasaarada warfaafinta uu kaga tagay qalab iyo shaqaale camiran, isaga oo ka jawaabaya hadalo ka soo yeedhay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta.

Waxa uu wasiir Cadaani sheegay in wakhtigiisii wasaarada warfaafintu ay lahayd haybad iyo sharaf, waxaana isaga oo la hadlaayay tilifishanka HCTV uu yidhi “Waxaan ka tagay wasaarad aad iyo aad u qurux badan oo shaqaale nadiif ah oo hawl qaran dalkan u haya  oo aan fasax lahayn,waxay ka mid tahay waxyaabaha aanan nolashayda waligay ilaawin, wasaaradaas oo waxaan imi buuq badan ka jiro, waxaanan ka tagay wasaarad jabsan oo shaqaalaheedu hablo iyo ragba aan is leeyahay waa muwaadiniin uu dalkani u baahan yahay, dhalinyaro weeye oo dhalinyarada waa la isku dhacdhacaa, waan ka odayayn jiray anigu.”

Wasiirkii hore ee warfaafinta oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Wasiirada yimi waxba odhan maayo, laakiin mid waan ka jawaabayaa oo ah kunbuyuutar kaliyaata ayaanu wasaarada ugu nimid waa wax caqliga ka weyn, wasaaradu waa wasaaradaha dalka ugu waaweyn, wasaarad dad iyo qalaba buuxda ayaan ka tagay oo magac iyo haybad leh, oo umaduna ay ogtahay.”

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews