berberatoday.com
Magaalooyinka Ku Teedsan Xuduudka Somaliland La Wadaagto Itoobiya Oo La Ciir-ciiraya Dad Ka Soo Qaxay Rabshadaha Kililka 5-aad
August 6, 2018 - Written by Berbera Today

Wajaale(Berberatoday.com)-Magaalada Wajaale, gaar ahaan Qaybta Somaliland waxa illaa doraad soo gaadhaya Dad ka soo barakacay Kililka Soomaalida Itoobiya, kuwaasi oo ay qaarkood ku yaallaan dhaawacyo loogu geystay Magaalada Jigjiga oo doraad ay ka dhaceen Rabshado lagaga soo horjeedo Ciidammada Milletariga Dawladda Federaalka Itoobiya oo Magaaladaasi gudaha u galay.

Dadkan oo qaarkood soo raacay Gaadiidka waaweyn ee Alaabooyinka Ganacsiga u kala qaadi jiray Wajaale iyo Jigjiga iyo kuwa Qaadka ka keena keena dhanka Dalka Itoobiya ayaa qaar badan oo ka mid ahi ka soo tallaabeen Xuduuudka Somaliland iyo Itoobiya ee Magaalada Wajaale, sida uu Shalay baahiyey Telefiishanka HCTV oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.

Dadkan ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada ayaa iskugu jira Haween sita Carruur aad u yaryar, Rag, Waayeel, dhallinyaro Dumar iyo Rag ah, kuwaasi oo xilligan u baahan in loo fidiyo gargaar bani-aadamnimo, maaddaama oo ay ka soo cararreen Magaalada Jigjiga oo badankoodu ku noolaayeen, sida uu sheegayo mid ka mid ah Masuuliyiinta Degmada Wajaale “Dadkani waxay ka yimaaddeen Jigjiga iyo Wajaale daanta Itoobiya, waa Dadkii qaarkood halkan ka Ganacsanayeen (Dadkan soo baro-kacay)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Xukuumadda Somaliland waxaanu u diraynaa farriinta ah in Dadkan oo ay ku jiraan Dad danyar ah oo Macaluulayaa inaan illaa hadda wax lala soo gaadhay jirin, markaa waxaanu leenahay Dawladda Somaliland ummaddan ha qaabisho.”

Mid ka mid ah Dadka Oromada ah oo isaguna la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in Dadka Oromada ahi ee ku soo barakacay Degmada Tog-Wajaale ay awoodi waayeen inay u barakacaan dhinaca Gobolka Oromada, ka dib markii ay ka baqeen in Jidka lagu waxyeeleeyo “Dadkan soo barakacay oo iskugu jira Hooyooyinkii, Carruurtii iyo Dadkii kale Waxay waayeen Awooddii ay dariiqa ku mari lahaayeen.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadkan waxa ku jira kuwa dhaawacyo loogu geystay Jigjiga.”

Sidoo kale, Qoxooti Oromo ah oo la mid ah kuwa Wajaale soo gaadhay ayaa iyaguna gaadhay Magaalooyin ka mid ah Gobolka Selel ee Somaliland, sida uu ku warramay Telefiishanka HCTV oo soo xiganaya Wariyahooda ku sugan Gobolka Selel.

Dadka Qoxootiga ah oo tiradooda lagu qiyaasay illaa konton Qoys oo Oromo ah oo ka soo barakacay Magaalada Ayshaca iyo Qabaleega Dhego-goo ee Kililka shanaad ay gaadheen deegaannada Xariirad iyo Habaas ee gobolka Selel ee Somaliland, kuwaasi oo ka barakacaya Rabshadaha ka aloosan Kililka Soomaalida Itoobiya.

Qoxootiga ka soo barakacay Jigjiga oo aan illaa hadda Dawladda Somaliland si rasmiya uga hadal isla-markaana aan la ogayn tiro ahaan inta ay leeg-yihiin iyo weliba in Qoxootigaasi ku egyahay Magaalada Wajaale iyo inay u gudbeen Magaalooyinka kale ee Dalka.

Qoxootiga Orormada ah oo barakacoodu bilaabmay doraad markii Magaalada Jigjiga ay Rabshaduhu ka bilaabmeen, ayaa durba Magaalada Wajaale laga dareemayaa Culayskooda, maaddaama oo ay tiro ahaan aad u badan yihiin.

Somaliland waxa hore ugu sugnaan Qoxooti dhowr kun gaadhaya oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews