berberatoday.com
GOBOLKA SELEL: Liyuu Booliiska Kililka 5-aad Oo Isku Urursaday Duleedka Degmada Xariirad & Ciidammada Qaranka Oo Heegan Ku Jira
August 6, 2018 - Written by Berbera Today

Selel(Berberatoday.com)-Warar laga helayo Gobolka Selel ee Somaliland, gaar ahaan Magaalooyinka ku teedsan Xuduudka u dhexeeya Itoobiya ayaa sheegay in habeen hore ay Magaalada Ayshaca gudaha u galeen Ciidammada Milletariga ah ee Federaalka Itoobiya, waxaana halkaa iskaga baxay Ciidammada loo yaqaano Liyuu Booliiska Kililka shanaad oo amniga Magaaladaa Masuul ka ahaa.

Liyuu BooliisWaxa kale oo la soo wariyey in Liyuu Booliisku iskaga baxeen Magaalada Hadhagaale.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidammada Liyuu Booliiska Kililka shanaad ee Magaalooyinkaasi iskaga baxay ay isku urursadeen deegaanka Dayac oo wax ka yar 2KM u jira Magaalada Xariirad ee Gobolka Selel eee Somaliland. Laakiin waxa Magaalada Xariirad ku sugan Saraakiisha Ciidammada kala duwan ee Somaliland ee Gobolka Selel, kuwaasi ay ka mid yihiin Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Selel iyo Taliyaha Saldhigga Koowaad ee Ciidammada Qaranka ee Gobolka Selel, kuwaasi oo la sheegay inay illaa habeen hore gaaf-wareegayeen Xuduudka Somaliland la wadaagto Dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in Ciidammada Qaranka la dhigay guud ahaan Xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya, gaar ahaan dhanka Gobolka Selel.

Arrimahan ayaa imanaya ka dib, markii Khilaaf dhanka Maamulka ahi soo kala dhex galay Dawladda federaalka Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo sababay in doraad Ciidammada Milletariga ee Federaalku la wareegaan Magaalada Jigjiga, ka dibna ay qarxaan rabshado Dadweynuhu kaga soo horjeedaan Ciidammada.

Rabshadahaasi ayaa bilaabmay markii Ciidammadu la wareegeen dhammaan Xarumaha Dawladda ee ku yaalla Magaalada Jigjiga isla-markaana la waayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Rabshadahan oo sababay in la boobo Meheradihii Magaalada ku yaallay iyo Baan Kililka Oromadu ku lahaa Magaalada Jigjiga, lana gubo Kaniisad halkaa ku taallay, sidoo kalena sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Dad Soomaali iyo Oromo ah, ayaa Shalay u gudubtay Magaalada Diridhaba.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews