berberatoday.com
Taliyaha Ciidanka Dab-Damiska Oo Hadlay Meherado Ganacsi Oo Shuf Beelay Dab Qadsaday Awgeed
August 6, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dab xoogan ayaa habeen hore, saacaddu markay ahady 2:30-kii habeennimo ka kacay gudaha magaalo ganacsiyeedka Wajaale, kaasi oo burburiyay shan meheradood oo isku xiga, kuna yaala magaaladaasi.

Related image

 

 

Taliyaha ciidanka dab-damiska Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo ka hadlay dabka qabsaday meheradahaas iyo qasaaraha uu geystay, ayaa sheegay in uu dabkaasi halakeeyay meheradaha, waxaanu ugu baaqay dadka ganacsatada ah in aanay meheradahooda ka hurda tegin ee ay dhex seexdaan si ay u ogaadan wixii dhibaato ah ee gudaha meheradaasi ka dhaca.

Taliye Sawaaxili oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Marka ugu horeysa waxaan tacsi u dirayaa mulkiilayaashii uu dabku ka halakeeyay bakhaaradoodii dabka waxaa uu ka kacay halkan aanu taaganahay(suuq ku yaalla Wajaale) oo afar makhaayadood ay ka dhisnaayeen, intaas kadibna bakhaaradan naga dambeeya ayuu dabku qabsaday ciidanka dab-damisku markii ay yimaadeen wixii ay wax ka qaban karayeen way ka qabteen, waxaanay ku dadaaleen badbaadinta bakhaaradan”

Taliye Sawaaxili waxaa uu sharaxay in dhibta ugu weyn ee dadkeena heysata ay tahay iyaga oo aan laheyn wax qorsheyn ah isla markaana ay sida tareenka isugu wada xidhan yihiin meheraduhu, waxaanu yidhi “Innaga mushkilad aad u weyn ayaa innaga heysata dabka oo guryaheennii sida tareenka ayay isugu xidhan yihiin, haddii maanta mid ahaan dab qabsado kuwa kalena si dhib yar ayuu ugu faafayaa, markaa dadweynaha waxaan ugu baaqayaa in inay kala xadeyn u sameeyaan guryaha oo ay ka daayan sidan sida tareenka oo kale ah ee ay isugu xigsiinayaan, midda kale waxaan ku waaninayaa meel walba sida bakhaaradda waa weyn, guryaha bangalooyinka ah, ganacsatada waa weyn, waa in habeenkii la hoos seexdaa haddii la yidhaaho dusha ayaa laga eegaya gudahana inta uu dab ka qabsado marka uu shuf beelo ee dabku dibedda u soo baxo uun la ogaado wax laga bakhtiin karayaa ma jiro”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa,intaa raaciyay. “Ganacsatada waxaan leeyahay sidaad lacagta u xisaabsataanba waad taqaanaan hase ahaate meel quruxbadan waxaa waxba kama jiraan ka dhigaya dab, markaa waxaan soo jeedinayaa in had iyo jeer dadweynuhu meheradahooda dhex seexdan oo ay iska dayaan ka hurda tagistan ay ka hurda tagaan una sameeyaan cid joogto ah oo dhex seexata.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews