berberatoday.com
Shirkada DP World Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Mariwaayay Dib Udhigida Mudo Sanad Ah Dhismaha Dekedii Cusbeyd Iyo Axmed Siilanyo Oo Dalka Uyimi Inuu Madaxweyne Muuse Arinkaas Ka Dhaadhiciyo
August 8, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Nimanka Magaca shirkada DP World sita ee Dekeda Berbera sifaha sharciga baalmarsan ay Xukumadii Madaxweyne Siilanyo ugu wareejisay Maamulka iyo maalka Dekeda berbera sida jujuubka ah horaantii sanadkii 2016kii ayaa waxa uu balanku ahaa oo heshiiskaas ku jiray in dhismaha Deked cusub la bilaabo horaantii sanadkii 2017kii oo mudo ahaan noqnaysay in shirkada DP World sanad gudihii ku bilawdo dhismaha Deked 400 MT ah ilaa hada oo sanadkii sadexaad socodo shirkada DP World wax dhisme dekedeeda may bilaabin haabkeedana ma hayso iyada oo guud ahaan shacabka Somalilandna isha kuhayo arinkaas fashilmay ee Xukumadaha kala danbeeyay ee Kulmiye ku ceebaysan yihiin iyada oo marka horena aan sife sharciyan hagaagsan loo marin wareejinta Dekeda Berbera oo lawada ogaa qaabkii jujuubka iyo muquuninta ahaa ee loo meel mariyay heshiiskaas.

Dhawaan waxa la sheegay in Mulkiilayaasha Magaca shirkada DP World soo kiaraystay ee uu kamidka yahay Wiilka Axmed Siilanyo Sodoga uyahay ee Baashe Morgan, Maxamud Xaashi Iyo Samsam Cabdi Aadan oo wata niman Carbeed oo magaca shirkada DP World matalayaa ay Madaxweyne Muuse Biixi Kulan ay la qaateen ka dalbadeen in Mudo sanad ah loo kordhiyo shirkada Dekeda maamusha Dekeda Berbera ee DP World si dib loogu sii riixo dhismaha Dekedii Cusbayd ee heshiiska Kujirtay hase yeeshee waxa wararka aanu helay ay sheegayaan inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi arinkaas ka Gaws adagay kana diiday taasina waxay keentay in Axmed Siilanyo uu usoo safro inuu Madaxweyne Muuse Biixi Arinkaas Ka dhaadhiciyo maadama oo Qoyskiisu saami ku leeyihiin dhaqaalaha Dekeda Berbera kasoo xerooda iyadoo Axmed Siilayo iyo Qoyskiisu usoo biyaysteen sidii Dib loogu riixilaa dhismaha Dekedii Cusbayd ee 400 MT ahayd lama garanayo Waxa ka soo bixi doona qorshaha uu Axmed Siilanyo la yimi iyo halka uu Ka taaganyahay arinkaas dib dhigista dhismaha Dekeda Cusub Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Hase yeeshee isha ayaa lagu hayaa talaabooyinka uu Madaxweyne Muuse biixi qaadi Doono maadama uu isagu maanta qaranka hogaaminayo awooda xukumiga ahaydna gacantiisa ku jirto.

Sidoo kale Waxa Xusid mudan in dhaqaalaha Dekeda Berbera kor ukacay sanadkii udanbeeyay shaqada Dekeda berberana ay laban laabatay dakhliga kasoo xeroodana si dag dag ah loogu shubo baan kuyaalada dalka isutaga imiraatka Carabta iyada oo lacagta manta la qabto isla maanta Dollar loo bedelo, sidoo kale shantii Milyan ee udanbeeyay lacagtii xaqul qalinka ahayd ee Heshiiska Dekeda lagu wareejiyay waxa laga bixiyay Khasnada Dekeda berbera sida aanu Xog Rasmiya kaga helay waaxda Xisbaadka ee Shirkada Dp World ee Dekeda Berbera.

Dekeda Berbera oo Mashquulkeeda shaqo aad kor ugu kacay ayaa waxa la soo darsay daayac dhinac walba ah waxaana barxada Dekeda Berbera ka Muuqda burbur badan iyo dayactir la,aan ay sabatay Koonteenarada tirada badan ee Culaysku kujiro oo waxyeelo ku baahday oo sababay inay daldalooshanto keenay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews