berberatoday.com
“Anigu Difaaci Maayo Cidda Hantida Umadda Lunsatay, Cidna Farta Ku Fiiqi Maayo”Ex Wasiir Cadami
August 9, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda ee lagu eedayey Xukuumaddii uu ka tirsanaa, xilli Guddida Ilaalinta Umadda ee Golaha Wakiiladu ay soo bandhigeen in masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddii ay hore ay lunsadeen hantida umadda.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Ciidamada Qaranka,oo uu tilmaamay inay sharaftooda,maamuskooda iyo karamoodada leeyihiin, waxaanu sheegay inay sharci iyo kala dambayn leeyihiin, loona baahan yahay in mar walba garabkooda la galo, oo aan laga hor iman, ugu horeyna wuxuu isagoo ka jawaabaya su’aal aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku wajaahan warbixinta Guddida Ilaalinta Hantida Umadda soo bandhigeen ayaa yidhi “Qof kastaaba waa masuul, qof kastana wuxuu masuul ka yahay waxa la raaciyey, ama hadba xilka loo dhiibay, in la soo bandhigo musuq-maasuq lagu kacay, iyo hantida umadda oo la leexsaday, sifo sharci daro ahna loo isticmaalay, waa mid loo baahan yahay, laakiin muhiimada mar walba ah in la hayo  caddaymo iyo xaqiiqooyin lagu qanco, oo  daliil u ah hantida umadda ee la musuqay, iyo cidda musuqdayba,sharci baynu leenahay, sharcigaas waa loo siman yahay, Madaxweyne, Wasiir iyo Shacaba, sharciga ciddina kama weyna, cid kasta oo lagu helo daliil iyo caydamo ah musuq-maasuq iyo lunsi hantida umaddeed, wasiir ha ahaado, ama shacab ha ahaado, sharciga ayaa qabanaya, sharciguna saamixi maayo, anigu difaaci maayo cidda hantida umadda lunsatay, cidna farta ku fiiqi maayo, cidda ay ku cadaatana, daliilna loo helo odhan maayo saamaxa,”.

Wasiirkii hore ee Wasaraadda Gaashandhiga mar aanu wax ka weydiinay Wasaaraddii uu Wasiirka ka ahaa iyo musuq-maasuqa ayaa yidhi “Wasaarad Maaliyadeed, Wasaarad Ganacsi, iyo Wasaarad Lacageed maan joogi, Wasaaradda Ciidanka ama Milatariga oo ah Wasaaradda   Gaashandhiga ayaan joogay, muddadii aan Wasaaraddan joogayna,waa laga war qabaa heerka aan gaadhsiiyey, ha noqoto dhismaha, dhiirigalinta, dirayska iyo darajada Ciidamadda, imikana oo aan Wasaaraddii joogina, waxaan jecel ahay, in heerkii aan kaga tagay, heer ka wanaagsan in la gaadhsiiyo Ciidankeena Qaranka, waana la gaadhsiin doonaa, insha allaah, markaas qofku waxa waajib ah in xil kasta iyo meel kasta oo loo magaacabo uu waajibaadkiisa sida ugu daacadsan uga soo baxo, qabri, qiyaamo iyo xisaab ALLE ayaa inaga dambeeysa, ee anigu waajibaadkaygii iyo xilkii Wasiirnimo ee aan umadda u hayey si daacadnimo leh ayaan u gutay, in aan musuq ku kaco iska daaye, in aan anigu umaddayada maalkayaga iyo hantidayada u hore ayaan jecel ahay”.

Wasiirkii hore ee Gaashandhiga ayaa mar uu ka hadlaayey Ciidanka Qaranka ayaa yidhi “Ciidanka Qaranku, waa kuwaas hadh iyo habeenba heegaanka inoo ah, ee amaankeena ALLE sukadii sugaya, in la xaq-dhawro, oo la maamuso, oo la abaalmariyo, lana dhiirigaliyo ayey mudan yihiin, Xukuumadduna kolay dadaalkaas mar walba wey wadaa, ta kale waxa hubaal ah in Shacabku laftoodu iyana inay mar walba garabkooda taagan yihiin, markaas Ciidanka Qaranka oo qudha maaha, ee dhammaan Ciidamadda kale duwan ee dalka, waa in la xaq dhawraa, oo Askariga isagu karti iyo dadaal dheeraad ah sameeya, waa in si gaar ah loo maamuso, oo abaalmarin la siiya, si uu dhiirigelin u helo si uu  dadaal dheeraad ah u sii sameeyo, Askariga sharciga jabiyana, waxaan leeyahay,qaranimadana meel kaga dhaca, waa in sharciga loo maraa wuxuu mutaystay, maxa yeelay fidno, fawdo iyo in qarankan la isku dayo in wax yeelo suurtagal maaha, mana yeelayno, ee waa in qaranimadeena si wada jir ah u ilaashana.”

 

 

 

Wargeyska Geeska Afrika

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews