Dawladda Djibouti Oo Sheegtay In Nolosha Lagu Gubay 5 Ruux Oo Muwaadinteeda Ah Oo Diri-Dhaba Ku Sugnaa
August 9, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar gaysay meel aan la garanayn, mana jiro wax war ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay.
Taageerayaasha Cabdi Iiley ayaa baraha bulshada ku baahiyay inaan la garanayn meel uu ku dambeeyay Cabdi Iley islamarkaana madaarka Addis Ababa lagaga reebay xubnihii ka raacay Jigjiga. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu la wareegay taliyaha Booliska Itoobiya, markii uu Iley gaadhay Addis Ababa.