berberatoday.com
Israa’iil Oo Qaza Ku Qaadday Duqeymo Ay Dad Badani Ku Dhinteen
August 9, 2018 - Written by Berbera Today
Sawirkan waxaa la qaaday 8-dii Agoosto, 2018 waxa uuna muujinayaa qarax ka dhashay mid ka mid ah duqeymaha Israa'iil ee Qaza

Qasa(Berberatoday.com)-Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerraro cirka ah oo xiriir ah oo ay Israa’iil ku ekaysay Marinka Qaza, kaddib markii dagaalyahanno halkaas ku sugan ay koonfurta Israa’iil ku garaaceen tobannaan gantaal.

Saraakiisha wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa waxa ay sheegeen in haweeney xaamil ah iyo gabadheeda oo hal sano jir ah lagu dilay xaafadda Jafarawi.

Askari ka tirsan Ururka Xamaas ayaa sidoo kale ku dhintay waqooyiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda waxa ay ku warramaysaa in dhowr qof oo rayid ah ay dhaawacyo soo gaarsiiyeen gantaallada ku dhacay deegaanka Sderot iyo magaalooyinka kale ee u dhaw xadka Qaza.

Qulqulatooyinka ayaa yimid xilli Qaramada Midoobay iyo Masar ay isku dayeen inay garwadeen ka noqdaan xabbad joojin muddo dheer socota oo la dhexdhigo Iraa’iil iyo Xamaas oo inta badan maamusha Marinka Qaza.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe Nickolay Mladenov ayaa sheegay inuu “aad arrinta uga walaacay”.

“Dadaalka aannu sameynay ayaa ilaa iyo haatan waxa uu sahlay in xaaladdu aanay faraha ka bixin. Haddii xaaladda haatan taagan aanan durbaba la xakameyn, si degdeg ah ayey u sii xumaan kartaa oo waxaa ka dhalan kara cawaaqib aanay dadku mahadin,” ayuu Mladenov ka digay.

 
Fatax oo la wareegta maamulka Marinka Qaza maxay ka badeli doontaa nolosha adag ee ka jirta?

Ciidammada Xoogga Qaranka Israa’iil ayaa sheegay in quluqulatada ay bilaabatay kaddib markii ay maleeshiyaad ay soo weerrareen gaari uu milateriga Israa’iil leeyahay oo Arbacadii ku sugnaa Qaza.

Markaa kaddib Israa’iil ayaa waxa ay ku jawaabtay taangi, waxaase xigay tobannaan gantaal oo habeenkii Arbacada lagu ganay deegaannada Israa’iil.

Garabka milateriga ee Xamaas ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerrarada gantaallada. Bilowgii todobaadka laba ka mid ah dagaalyahannada ururkaasi ayaa waxaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay bar koontorool oo ay Xamaas ku leedahay waqooyiga Qaza.

Barta uu Twitter-ka ku leeyahay ciidammada Xoogga Qaranka Israa’iil ayaa lagu sheegay in diyaaradaheeda dagaalka ay bartilmaameedsadeen in ka badan 140 goobood oo istaraatiiji ah, oo ay ka mid tahay goob hubka lagu sameeyo misana lagu kaydiyo.

Gantaallada Xamaas ayey dadku sawirayeen xilli ay jeexayeen hawada iyagoo ku sii wajahan magaalada Israa'iil ee SderotGantaallada Xamaas ayey dadku sawirayeen xilli ay jeexayeen hawada iyagoo ku sii wajahan magaalada Israa’iil ee Sderot

Israa’iil waxa ay sheegtay in ilaa iyo 150 gantaal laga soo ganay dhinaca Qaza oo Israa’iil lagu soo weerraray.

Taleefishinka Israa’iilna waxa uu baahiyay sawirrada burbur magaalada Sderot ku soo gaaray guryo iyo gawaari.

Qulqulatooyinka xadka ayaa yimid waxyar un kaddib markii wafdi sare oo ka tirsan Xamaas ay booqdeen Qaza si ay uga wadahadlaan heshiis xabbad joojin ah oo ay la galaan Israa’iil kaas oo ay garwadeen ka yihiin Masar iyo Qaramada Midoobay.

Arbacadii, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa waxa uu cambaareeyay weerrarka gantaallada ee Xamaas, isagoo labada dhinacba ugu yeeray inay ka fogaadaan wixii dabka sii hurin kara.

Afartii bilood ee ugu dambaysay ayaa waxaa sare u kacay qulqulatooyinka ka dhacayay xadka Qaza iyo Israa’iil.

In ka badan 160 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa waxaa dilay ciidammada Israa’iil, inta badan dadkaasi waxaa lagu dilay dibadbaxyada todobaadlaha ah kaas oo kumannaan Falastiiniyiin ah ku soo bandhigaan sida ay u taageersan yihiin xaqa la shaaciyay ee ah in qaxootiga Falastiiniyiinta ay dib ugu soo laaban karaan dhulkoodii hooyo halkaas oo haatan ah

 

 

Sources BBCSomali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews