berberatoday.com
Madaxweyne”Maxaa Loo Joojiyay Mashruucii Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa Ee Uu Jarmalku Maalgelinayay ?
August 9, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Go’aanka ay wakaaladda biyaha Hargeysa ku joojisay qandaraaskii biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa ayaa keenay in bulshada reer Hargeysa ay su’aalo badan iska weydiiso sababta keentay joojinta.

Image result for Madaxweyne Muuse Biixi

 

 

Mashruucan oo uu maalgelinayay baanka Jarmalka ee KfW, waxa loogu tallo galay lacag lagu qiyaasay 23.5 million Euro si biyaha loo gaadhsiiyo degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxaana tartanka ka qayb galay shirkado badan oo aakhirkii lagu soo ururiyay 7 shirkadood oo ay iyadana ahayd in la kala saaro oo lala soo baxo shirkadda qandaraaska ku guulaysatay.

Hase yeeshee iyadoo ay hawsha kala haadinta shirkadahani marayso gunaanadkii, ayaa waxa soo baxay go’aan kedis ah oo uu soo saaray maareeyaha wakaaladda b iyaha Hargeysa oo uu shirkadihii tartamayay ku wargeliyay in la joojiyay qandaraaskii.

Maareeyuhu ma bixin wax faahfaahin ah oo la xidhiidha sababta keentay joojinta qandaraaskan ay shacabku sugayeen, waxaanay faahfaahin la’aantaasi keentay in shacabku su’aalo badan iska weydiiyaan sababta loo joojiyay bixinta qandaraaskan, iyagoo dadku ka bixiyay su’aalahan ay isweydiinayaan jawaabo kala duwan.

Madaxweyne; waxa qandaraaskan waxa ay dawladda Somaliland joojisay iyadoo sannadkan gudihiisa ay xukuumadaadu ku dhawaaqday inuu fashilmay mashruucii biyaha ee xumbo-weyne ee caasimadda Hargeysa loogu tallo galay, waxaanu joojinta mashruucani walaac ku abuuray bulsho badan oo reer Hargeysa oo ah oo filayay inay mashruucan uu Baanka Jarmalku ugu tallo galay biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa uu guulaysto.

Mudane Madaxweyne, waxa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sababta loo joojiyay qandaraaskan. Wararka qaar ayaa sheegaya in joojinta qandaraaskani ka timid Baanka Jarmalka, lamana garanayo sababta keentay in dawladda Jarmalku joojiso mashruucan balaadhan ee ay marka horeba go’aansatay inay hirgeliso.

Laakiin, waxa ay Madaxweynoow bulshada Somaliland, gaar ahaan bulshada caasimadda Hargeysa doonaysaa inay jawaabo u helaan su’aalaha ay iska weydiinayaan halistan soo waajahday biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews