berberatoday.com
Xildhibaan Guurtiya Oo Ka Dayriyay Xaaladda Siyaasadeed Iyo Nololeed Ee Uu Dalku Maanta Marayo
August 9, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)–Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye  ayaa shacabiga Somaliland ku tilmaamay mid nasiib daran oo aan helin nolol u qalanta tan iyo markii ay xoroobeen boqortooyadii Ingiriiska.

Waxa uu xildhibaanku ku tilmaamay madaxweynayaashii Somaliland soo maray kuwo midba ka danbeeya uu ka sii daraayay, waxaanu siyaasada dalka ku tilmaamay mid curyaan ah.

Xildhibaan Axmed Obsiiye oo la hadlay shabakada Hadhwanaag, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Marka ugu horaysa dadkani waa dad nasiib daran ilaa lixdankiibaan ogaa oo aan joogay markii ay lahaayeen koonfur na raaciya ee ay ku qaylinayeen, ilaa maalintaas ilaa maanta sidaad isku leedahay haday ka soo raynaysaa ayay noqonaysay wax ka sii dara uun, dalkani siyaasad ahaan,dhaqaale ahaan,shaqo ahaan, bulshada nooc walba waxaan u arkaa dal aad u rajo xun.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Siyaasadii dibada waa ka curyaan oo albaabada ayaa loo soo xidhay, aduunkana maanta meel aynu saaxiib ku leenahay ma jiro sodon ayaynu marayna maalintaynu gooni isku taaga aynu sheegnay, halkaynu maalintii taagnayan ayaynu taaganay,waxii shacabku uu qabsaday laga hadli maayo ee waxii dawlad ahaan loo qabtay ayaa lagu xisaabtamayaa, madaxweynii shanaad ayaynu maraynaa maalin ay ka liidato dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaana ma jirto.”

Waxa uu Xidhibaan Obsiiye uu dhibaatada dalka ku tilmaamay qabyaalada oo naafaysay wax kasta oo dalku lahaa“Maciishadii halkay marayso waa aynu ognahay oo xabadii roodhi ahayd ayaa dhawr kun oo shilin maraysa, camal ma jiro xoolo la iibsanayaana ma jiraan, dalkuna abaar ayuu ka soo doogay oo waxaad moodaa in inkaari ku habsatay, kii aynu is nidhaahno kan ayaan ku raynaayaba ka darii koowaad ayuu noqonayaa, markaa dalka mashaakilkiisu aad ayuu u badan yahay, dhankii siyaasadana waynu ka curyaanayba, koonfurna waxa ka dhalatay dawlad sacsac ah oo inaga daran oo aynu inagu u noqonayno awliyo, awoodeediina isugu gaysay sidii ay Somaliland cidhiidhi u galin lanayd, dadkii ilbaxa ahaa inaga celin lahaana ma hayno, aqoon yahankii dalkuna meel uu jiro anigu ma garanaayo, aqoon yahan badan ayaa wax bartay, waxeeniina qabyaalad ayay isugu soo urureen reer hebel iyo maqaaxi qaad lagu ruugo,wax maanta aniga ii muuqdaa ma jiraan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews