berberatoday.com
Imaaraadka Iyo Ethiopia Oo Galay Heshiis Caqabad Ku Noqon Doona Jabuuti Iyo Nooca Uu Yahay Heshiisku?
August 11, 2018 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaaya in dalkiisa xarun looga dhigo dhuun shidaal oo la doonaayo in laga soo talaalo Dekadda Casab ee dalka Eritrea.

 

 

Heshiiska oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu kala saxiixday in dhuunta shidaalka laga soo talaalo Dekadda Casab xarun looga dhigo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Imaaraadka carabta u saxiixay Wasiiru-dowlaha iskaashiga Caalamiga Imaaraadka Reem Al Hashimy oo sheegtay inay muhiim tahay in xili hore la dhaqan galiyo Heshiiska.

Madaxa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed Mr Fitsum Arega oo Heshiiska kadib u waramay Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in heshiiska labada dal ay kala saxeexdeen Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Reem Al Hashimy oo Wasiiru dowle.

Mr Fitsum Arega, waxa uu tilmaamay in wada xaajoodka labada dal uu yahay mid ku xeernaa dhinacyada Maalgashiga beeraha, Dhismooyinka, Shidaalka, Warshadaha, Dhuumaha shidaalka iyo Goobaha loo dalxiis tago.

Waxa uu sidoo kale, Mr Fitsum Arega sheegay in heshiiska uu qeyb ka ahaa in wakhti hore lagu dhaqaaqo Heshiiska iyo howlgalinta dhuunta shidaalka.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saldhig Militery ku leh Dekadda Casab oo noqon doonta halka laga soo talaali doono shidaalka.

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in ganacsiga dhanka shidaalka ay soo mariso dalka Eritrea halka ay markii hore kasoo marin jirtay Dekadda Jabuuti.

Heshiiska Imaaraadka iyo Ethiopia ee lagu talaalayo dhuunta shidaalka ayaa caqabad ku noqon doonta dowlada Jabuuti oo xidhiidh aad u xun uu iminka kala dhexeeyo Eriterea iyo Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee Dowladaha Imaaraadka carabta iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay in si dhaqso ah lagu howlgaliyo Heshiisyada muhiimka ah ee lagu dardar galinaayo ganacsiga.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews