berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Hortiisa Oo Maanta Lagu Dhaariyey Gudida Cusub Ee Xuquuqal Insanka Somaliland+Sawiro
August 12, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubnaha Guddida Heer Qaran ee Xuquuqal Insaanka qaranka, ayaa maanta si rasmi ah loo mariyey dhaarta dastuuriga ah, waxaana madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Image may contain: 5 people, indoor

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kadib waxa uu dardaaran muhiim ah u jeediyey xubnaha guddida xuquuqal insaanka ee heer qaran, isaga oo ku adkeeyey inay dadka iyo dawladda dhex u ahaadaan, una hoggaansamaan dhaarta Kitaabka Eebbe ee lagu dhaariyey, waxana uu yidhi

“Hay’adaha dawladda qaar badan buu dastuurku ku waajibiyey dhaar, insha Allah dhaartaas ayeynu ku wada dhaqmi doonnaa, dhammaanteenna waa la ina wada dhaariyey, Ilaahay waxan ka rajaynayaa, dhaartaasna aynu ku dhaqanno, waxa inoo ballan ah dawladda iyo dadka dhex baad u ahaan doontaan, dawladda loo eexan maayo, annaguna waanu dacwoon karnaa, cidna dulmi maynee xaq baynu ilaalinaynaa iyo sharciga.

Image may contain: 3 people, people standing

Wasiirka horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo ku-xigeenka hanta-dhawraha guud ee qaranka, Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, ayaa iyagana isla maanta la mariyey dhaarta dastuuriga ah ee ku waajibtay.

Qodobka 129-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waajibinaya dhaarta distuuriga ah ee la mariyo masuuliyiinta qaranka xilalka muhiimka ah u haya, waxana xubnahani ay maanta waafaqeen tilmaaha uu qodobkaasi waajibinayo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews