berberatoday.com
“Sow Cirro Muu Odhanin Doorasho Ma Gelayo, Waa Ka Dhab, Garxajiska La Sheegayo Oo Dhamina Wuu Ku Raacayaa…” Xildhibaan Gacan
August 12, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed-gacan) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Beelaha Somaliland xilligan ku kala fog-yihiin dhinaca siyaasadda, taasina timid 7-dii Sannadood ee Xisbiga KULMIYE uu Talada Dalka xukumayey.

Xildhibaan GacanXildhibaan Gacan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ka dayriyey xaaladda Dhaqan dhaqaale ee Somaliland, waxaanu tilmaamay in Ganacsatadii aanay u naxayn Bulshada isla-markaana maalin walba qiimo dul-saaraan Maceeshadda, taasina khatar gelisay nolosha Dadka dan’yarta ah.

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu sheegay in Go’aankii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee ahaa in aanay galaynin Doorasho ay dhexdhexaad ka yihiin Komiishanka xilligan jooga uu yahay Go’aan ka dhab ah ama ka run ah Guddoomiye Cirro, go’aankaasi oo uu xusay inay suurto-gal tahay inay ku raacaan Beeshiisu

Xildhibaan Axmed-gacan oo ugu horreyn ka hadlaya khilaafka hoose ee ka dhexeeya beelaha Somaliland qaarkood ayaa yidhi “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Harag Sakaaro iiga kac mooyaane iiga durug malaha’ waxaynu isku haysanaa Qabiil ee Waddaniyad kale oo igu jirtaa ma jirto ee Qabiil ayaynu u kala fadhinaa Maanta. Mar haddaad Qabiil u kala fadhido waxaagu socon maayaan.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in go’aan uu Guddoomiyaha WADDANI ku sheegay in Xisbigiisu aanu doorashada Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ka qayb-galaynin haddaan Komiishanka la beddelin ay ka dhab tahay oo aanu ka qayb-galaynin “Doorasho dhacaysaa ma jirto, sow Ninkan ee Cirro kumuu dhawaaqin oo muu odhanin Doorasho ma gelayo, waa ka dhab, Garxajiska la sheegayo oo dhami wuu ku raacayaa, Aad baan Dalka xog-ogaal ugu ahay, laakiin waan ka aamusanahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Naca Bulshada dhexdeeda ka jira ee uu sheegay ay soo bilaabantay intii Talada Dalka la wareegay Xisbiga KULMIYE “Mar haddii Dadku qaybsamo labada Garabna way innaga didayaan, Intii KULMIYE yimid Dalku nabad ma ahayn oo hoosta ayuu ka qiiqayey, Dadkuna xabbad ma doonayo, Qof xabbad ridayaana ma jiro, laakiin siyaasadda ayaa lagu kala tagay oo waa la isku nacay.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews