berberatoday.com
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dareenka Ay Ka Qabto Heshiisyada Itoobiya Ee Dekedaha Kale Ee Dalalka Geeska Afrika Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Heshiiskii Maalgelinta Dekeda Berbera Ee Saddex Geesoodka Ahaa
August 12, 2018 - Written by Berbera Today

“Heshiisyada Iyo Ballaadhinta Dekeduhu Maaha Wax Maalin Keliya Ku Dhammaanaya, Markaa Aniga Wax Warwar Ah Runtii Iguma Hayso Oo Immika Ba Wax Badani Itoobiya Xageena Uma Maraan Ee Waxa U Badan…”-Wasiir Sacad

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay ka hadashay dareenka ay ka qaadatay iyo saamaynta uu ku yeelan karo heshiisyada dawladda Itoobiya ay kula gashay dekedaha dalalka Geeska Afrika, kadib heshiiskii maalgashi ee dekeda Berbera ee saddex geesoodka ahaa ee ay sida wada jirka u kala saxeexdeen Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, iyo Shirkadda Dp-world ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

DP WOrldSacadHaddaba, heshiisyada dawladda Itoobiya ay kula gashay dekedaha waddamada deriska ah ee Geeska Afrika ee kala ah Jabuuti, Kenya, Sudan, Soomaaliya, iyo Erateriya, saamaynta uu ku yeelan karo heshiiskii maalgelinta dekeda Berbera ee saddex geesoodka ahaa saamaynta uu ku yeelan karo, ayaa markii u horreysay waxa ka warramay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo dorraad warbaahintu wax ka weydiiyeen, waxaanu yidhi “Itoobiya, waa dal weyn oo dad boqol milyan ka badan ku nool yihiin, dhaqaalihiisuna uu aad u koraayo, baahi badana u qaba dekedo badan oo aanay baahidiisa kafayn Karin deked iyo mid laba toona, markii Raysal wasaaraha dalka Itoobiya uu soo maray dalalka Kenya, Sudan, Soomaaliya intaba heshiisyo dekedaha ah ayuu la soo galay, Dalka Erateriyana waa kuwa hadda heshiiyey oo dekedaheeda Casab iyo Mussawac labada ba sidii berrigii hore ay u isticmaali jireen ayey u isticmaalayaan, Jabuuti na aad ayey immika u isticmaalaan, dekeda Berbera na waynigii heshiiska la galnay, anigu waxaan qabaa intaasi oo dekedood ba baahi buuxisaa way taallaa meesha, dabcan marka dhaqaaluhu kora ba baahidoodu way sii badanaysaa, heshiisyadaasi iyo ballaadhinta dekeduhu maaha wax maalin keliya ku dhammaanaya, markaa aniga wax warwar ah runtii iguma hayso oo immika wax badani xageena uma maraan oo waxa u badan raashinka WFP, inta kale way iska yar tahay oo meel hoose ayeynu ka bilaabaynaa, markaa innaga (Somaliland) wax inoo siyaada oo inoo kora mooyee oo waliba marka aynu dhisano dekedeena oo yar aan qaadi karin ba culeys kale, laakiin marka la ballaadhiyo dekeda Berbera waxaan qabaa inay jiri karaan badeecado kale oo ina soo mari karta” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Sacad Cali Shire

Dhinaca kalena, Wasiir Sacad waxa uu si qotto dheer uga hadlay halka ay marayso fulinta heshiiskii maalgashi ee dekeda Berbera ee Dp-world, “Heshiis ayeynu galnay Somaliland iyo Dp-world, waxaanu heshiiskaasi sheegayey in dekada qaab dhismeed lagu sameeyo oo la ballaadhiyo iyadoo la raacayo weji weji, waxaanu ahaa wejiga koowaad in maamulka la haggaajiyo iyo in qalab loo keeno, wejiga labaadna waxa uu ahaa in dekeda 400mittir lagu daro, wejiga saddexaadna waxa uu ahaa in 400mittir oo kale lagu daro”. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray, “Immika waxaynu ku gudo jirnaa wejigii hore oo nidaamna waa loo sameeyay oo qalab badana waa la keenay, haddii aad tegtona waad arki kartaa, wejigii labaadna ee ahaa ballaadhinta dekeda hadda deraasadii ayaa la dhameystiray oo tartan ayaa shirkado la geliyey oo immika mid ayaa ku guuleysatay ayaa la yidhi, dabadeedna waxay bilaabayaan hawshii iyo sidii ay u soo urursan lahaayeen dadkii iyo qalabkii, waxaanu qorshuhu yahay in la bilaabo bisha Oktoober”.

Ugu dambayn, Wasiir Sacad waxa kale oo uu ka hadlay qorshaha goobta ganacsiga ee ka madax bannaan cashuurta ee loo yaqaano ‘Free Zone’, “Kii kale ee la socday ee ahaa ‘Free Zone’ waxa immika la wadaa sharciyadii oo immika heshiiskii wuu dhammaaday, waana in sharciyadu dhammaato oo digreeto la soo saaro ama baarlamanka la geeyo, isna waa la bilaabayaa oo meel fiican ayuu inoo marayaa”. Ayuu yidhi Sacad Cali Shire

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews