berberatoday.com
Baashe Morgan Madaxweyne Muuse Biixi Kharajiyay Iyo Warar Soo Baxaya Oo Sheegaya Inuu Diiday Wakiilnimada Kenya Ee Loo Magacaabay
August 13, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakiilkii Somaliland ee dalka isutaga imaaraatka carabta Baashe Cawil Cumar(Baashe Morgan)oo ah Wiil uu Sodog u ahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Siilanyo mudona ahaa wakiilka Somaliland ee Dalkaas ilaa intii heshiisyada dhaxal wareega ah ee Dekeda Berbera Iyo Saldhiga Ciidan lala galaayay dalkaas aha Mishiinka fududaynaayay ee lacagaha malaayiinka Doolar ah ka qaatay ayaa wareegto uu goor dhweyd uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kaga bedel xilkaas uu ka hayay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta isaga oo Madaxweynuhu umagacaabay Baashe Morgan Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya waxan xilka laga Bedelay Baashe Morgan loo magacaabay Xasan Hirad Yaasiin ah aqoonyahan ku xeeldheer Dublomaasiyada.

Warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in durbaba uu xilkaas Wakiilnimada Dalka Kenya diiday Baashe Morgan isaga oo aan marnaba filayn inuu xilkaas ka qaadayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay hore ugula dardaarmeen Sodogii Axmed Siilanyo iyo Marawdiisa Aamina Waris inuu wiilkaas halkiisa ku ilaaliyo hase yeeshee uu Madaxweyne Biixi taas bedelkeeda ka doorbiday danta qaranka Maamadama uu Baashe Morgan Canbaar kutaala Xukumada Muuse Biixi Cabdi ahaa bedelkiisana ay kaba siifiicnayd eri shaqada laga caydhiyo.

Sababaha aanu Baashe Morgan dalkaas Kenya utagayn ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin kahor intii aanu noqon wakiilka Somaliland Imaaratka Baashe Morgan ayaa waxa jirtay in garoonka diyaaradaha Jooma Kenyata lagu qabtay isaga oo lacag malaayiin dollar ah shanadado kusita damacsanaana inuu dalka Ingiriiska la galo arintaas oo meel halis gaadhay ayaa wakhtigaas oo ku beegnayd 2014 waxa waanwaan iyo gurmad ka galay Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiiradiisii xiligaas oo lacagtaas iyo baashe Morgana kasoo daayay xabsi xiligaas lagu xidhay maadama oo an sharciyan la ogolayn lacag intaa leeg inuu shaqsi diyaarad la raaco iyadoo kaash ah baashe Morgan ayaa waxa uu ahaa Masuulka ugu awooda badan Xukumadii uu gadh wadeenka ahaa Sodogii Axmed Siilanyo lacagta xiligaas uu sitayna waxa ahayd lacagtii qaranka oo sife sharci daro ah loola baxsanaayay.

Baashe Morgan ayaa mudadii uu ahaa Wakiilka Somaliland ee Dalka Isutaga Imaaratka Carabta waxa uu lunsaday lacago malaayiin dollar ah uu kusoo qaatay magaca qaranka Somaliland sidoo kale waxa la sheegayaa inuu Saami weyn ay ku leeyihiin Qoyska Madaxweynihii hore Axmed Siilanyo dhaqaalaha Dekeda Berbera kasoo baxa saamigaas oo la sheegay inay kujiraan qeybta DP World taasna waxa looga fadhiya Madaxweyne Biixi inuu fiiro gaara uyeesho oo talaabada ku haboon ka qaado.

Warar xogogaal ah oo aanu helay ayaa sheegaya in saacadaha soo socda Baashe Morgan uu xilkaas iska casili doono.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews