berberatoday.com
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Soo Jeediyey In La Qoro Taariikhdii Ururkii SNM
August 13, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa soo jeediyey in la qoro Taariikhdii Ururkii Dhaqaaqaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, si Jiilasha dambe u ogaadaan wixii loo soo maray Jamhuuriyadda Somaliland.

Warka Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali FaaraxMujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax wuxuu sheegay in Bulshada Somaliland tahay Bulsho hadal wax ku gudbisa, haddana ay muhiim tahay in la qoro Taariikhda Ururkii SNM, kaasi oo dagaal qadhaadh oo uu la galay Ciidammadii Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ka dibm, xorreeyay Dalka Somaliland.

Mujaahid Cabdiraxmaan oo habeen hore khudbad ka jeediyey Munaasibad lagu daah-furay Buug laga qoray ‘Waayo-aragnimadii Mujaahid Maxamed Cilmi Galaan’ oo Saraakiishii SNM ka mid ahaa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Innaga waxeenu waa hadal, laakiin Taariikhaha waalla qoraa, waxyaabaha ku qoran buugga (la Daah-furay) Rag badan oo intaa ku qoran in leeg ku biirin kara ayaa jira oo Taariikhdu way badan tahay oo Buugaa oo keliya kuma dhama.”

Mujaahid Cabdiraxmaan wuxuu soo jeediyey in la qoro Taariikhda SNM “Markaa waxa loo baahan yahay in la qoro Taariikhda oo laga sheekeeyo wixii dhacay, si jiilalka innaga dambeeyaa u gartaan wixii Dalkan loo soo maray..”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews