berberatoday.com
Saraakiil Sar Sare Oo Ka Tirsan Ururka ONLF Oo Gaadhey Magaalada Addis Ababa + Ujeedkooda
August 13, 2018 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Xubna sare oo ka socda Jabhadda ONLF ayaa fiidnimadi xalay soo gaadhay magaalada Addis Ababa.

Wafdiga oo uu hoggaaminayey afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Cabdulqaadir waxay ka kooban yihiin 3 xubnood oo sare.

Wafdiga waxaa gigada diyaaradaha caaliga ee Bole ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaadhsiinta dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe.

 

 

Caddaani oo ka warramaya sababta keentay iney dalka yimaaddaan ay tahay mid ay kaga jawaabayaan baaqa uu u soo jeediyey Ra’isalwasaare Dr Abiy Axmed.

Sida oo kalana wakhti xaadirkan xaaladda deegaanka soomaalida uu ku sugan yahay sidi wax looga qaban lahana iney si degdeg ah u yimaaddeen.

Wuxuuna intaa ku daray laga billaabo maanta iney jabhaddu xabbad joojin iskeed ay ugu dhawaaqday maadaamaa ay dooneyso iney gobolka xabbad dambe ka dhicin oo deegaanka soomaalidana xal waara looga gaadha.

Dawladda Itoobiyana tallaabbooyin dhowr ah maadamaa ay u qaadday wax ka qabashada dhibaatooyinka xuquuqda aadanaha Jabhadda ONLF oo dadaalladaasi socda tixgelineysa waxay go’aansatay iney dalka timaaddoo oo ay halgankeeda si nabad galya ah u waddo.

Wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe wuxuu isna sheegay iney xisbiya badan oo mucaarad ah ahaa ay dalka yimaaddeen.

Dawladduna waxay dadaal adag ugu jirtaa wax kasta oo ay jabhadaha iyo ururrada siyaasadeed ee mucaaradkaba ahba waxa ay ka biya diidsan yihiin ay si kama dambeys ah wax uga qaban lahayd taageera walbana ay dhanka dawladda diyaar la tahay.

Golaha wakiillada shacabka oo horay Jabhadda ONLF u aqoonsaday inuu ka mid yahay ururrada argagixisada wuxuu ka tiray liiska aragagixisada wuxuu baarlamaanka uu Jabhadda ONLF uu u aqoonsaday iney tahay jabhad xaq u dirir ah oo halgan ku jirto

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews