berberatoday.com
WAJAALE: Maxkamad Xukuntay 5 Qof Oo Lagu Qabtay 330 Litir Oo Khamri Ah & Noocyo Kale Oo Maandooriye Ah
August 13, 2018 - Written by Berbera Today

Wajaale(Berberatoday.com)-Maxkamadda Degmada Gabiley ayaa Magaalada Wajaale ku xukuntay Shan Qof oo Ciidammada Booliisku qabteen iyagoo ku hawlan ka Ganacsiga Maandooriye tiro badan, kaasi oo iskugu jira Khamri, Xashiishad iyo Kiniinno.

Warka KhamrigaShanta Qof ayaa lagu xukumay Xadhig u dhexeeya 3 illaa 7 Sannadood oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo u dhexeeya Afar illaa 8 Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Shanta Qof oo dhammaantood Rag ah, ayaa Ciidammada Boolisku Maxkamadda hor-keeneen, halka labada kalena la xukumay iyagoon weli Gacanta Booliiska soo gelin oo Maqane ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Gabiley Cabdikariin Cumar Cabdi oo ku dhawaaqaya Xukunka Shanta Qof ayaa yidhi “Dambiilayaasha kala ah, Xiis Ismaaciil Ibraahim oo 28 Jir ah, Cabdillaahi Maxamed Cali, 27 sano jir, Mustafe Axmed Xasan, 30 jir, dambiilayaashaa midkiiba waxa lagu xukumay Saddex sannadood oo Xadhig ah iyo min Shan Milyan oo Ganaax ah, waxaana lagaga xukumay Qodobka 4-aad ee Xeerka la dagaalanka Mukhaadaraadka. Eedaysanayaasha maqan oo kala ah Bashiir Aw Jaamac, waxay Maxkamaddu ku xukuntay 4 Sano oo xadhig ah iyo Shan Milyan oo Ganaax ah, Cabdiqani Maxamed Diir oo maqane ah waxa Maxkamaddu ku xukuntay 7 Sannadood iyo Lix bilood oo Xadhig ah iyo 8 Milyan oo Ganaax ah.”

Waxa Maxkamaddu Ganaax lacageed oo u dhigma boqolkiiba Shan Qiimahooda ku xukumay laba Gaadhi oo Dadka la xukumay u adeegsadeen Maandooriyaha.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay amartay in la baa’biiyo dhammaan Maandooriyaha la qabtay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Cabdikariin Cumar Cabdi “Guddoomiyaha Maxkamaddu wuxuu Maxkamaddu waxay amartay in la baa’biiyo dhammaan Maadooriyaha Maxkamadda la hor-keenay ee Kiiskan ku saabsan, kaasi oo ka kooban 11 jirikaan oo Min Soddonle ah oo Khamri ah..”ayuu yidhi.

Ciidammada Booliska Somaliland ayaa dagaal kula jira nooc kasta oo Maandooriye ah, kaasi oo si aan kala-joogsi lahayn Somaliland looga soo geliyo dhinaca Dalka Itoobiya.

Ciidammada Booliiska ayaa Bishii saddex jeer ama Afar jeer qabta Gaadiid dhanka Dalka Itoobiya ka soo daabula Maandooriyaha Khamriga, kaasi oo si xirfadaysan loogu soo qariyo Gaadiidka qaarkood.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews